Barnaamijka xisbiga KULMIYE ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.1aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)

Hordhac

Waa qoraalo taxane ah oo falanqayn, falcelin iyo faalo kooban ah, aanan diyaariyey kadib markii aan si fiican u akhriyey, una dhuuxay barnaamijka xisbiga KULMIYE ee 2017-2022-ka. Aniga oo ka duulaya murtidii ahayd,” Hadalkaaga hortii afeefbaa la dhigtaa…” ayaan jeclaysday inaan cadeeyo in qoraaladaasi aniga ay ii gaar yihiin, kuna kooban yihiin wixii aan ka fahmay barnaamijka.

Qoraaladani waa falanqayn, falcelin iyo faalo sidaas darteed waxaa ku jira weydiimo badan oo dib ugu noqonaya xisbiga KULMIYE. Waxaynu sharaxaad dulka xaadin ah iyo guudmar ku samayn doonaa sida loo diyaariyo barnaamij siyaasadeed iyo qodobadda muhiimka u ah ee ay tahay inuu yeesho barnaamijku. Waxaa kale oo aynu falanqayn doonaa dhibaatooyinka maanta ka jira dalkeena iyo duruufaha haysta dadkeena ee ay tahay inay xisbiyaddu bud-dhig uga dhigaan barnaamijkooda siyaasiga ah. Sidaas oo kale, waxaynu eegi doonaa meelaha uu barnaamiku ku fiican yahay, waxa uu kaga duwan yahay barnaamijkii hore ee 2010-kii xisbigu doorashadda ku galay, warbixino aan u arko inay khaldan yihiin oo ku jira meelaha qaar, buun buuninta loo sameeyay waxqabadka xukuumadda hadda jirta, waxyaabaha loo baahan yahay si loo fuliyo barnaamijkan iyo falanqaynta awooda KULMIYE (capacity analysis) ee ku saabsan suurtogalnimadda fulinta barnaamijka ,suaalo ay tahay in xisbigu bulshadda uga jawaabo iyo talo-bixin kooban.

Waxaa kale oo suurto gal ah inaynu dul istaagno fariimaha buuga ku jira oo ay ka mid tahay ereyga ay madaxweynaha iyo musharuxu ku leeyihiin buuga oo aynu fasiraad ka bixin doono.

Meelaha qaar waxaynu wadaagi doonaa aragtidda dad aqoon iyo takhasus u leh(expert opinion) kolba qaybta aynu ka hadlayno.

Waxaan rajaynayaa in xisbiga iyo taageerayaashiisuba ay u fahmi doonaan fursad ay dib ugu eegi karaan wixii u baahan sixid iyo horumarin.

Sida ka muuqata barnaamijka xisbiga KULMIYE ee 2017-2022 wakhti badan iyo hawl badan ayaa gashay. Waxaan xisbiga iyo intii la diyaarisayba uga mahadnaqayaa inay ku dhiiradeen curinta iyo soo bandhigidda barnaamijkan.

Inkasta oo marka la barbar dhigo barnaamijkii hore ee 2010-kii uu aad uga duwan yahay, ugana horumarsan yahay, haddana waxaa jira suaalo badan oo ka dhalanaya xogta ku urursan buuga, aragtiyaha uu xambaarsan yahay, suurtogalnimadda fulintiisa, cidda fulin karta iyo qiimaynta shan sanno dabadeed la samayn karo.

La soco qaybta dambe…..

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Dr. Culimo.

http://bandhige.com/hannaankii-wax-lagu-dooran-jiray-ma-hayno-duruufaha-jiraana-ma-suurto-galinayaan-doorasho-xor-iyo-xalaal-ah-wq-dr-maxamed-yuusuf-aw-cali-culimo/

http://bandhige.com/maxaad-ku-fasiri-lahayd-roogii-casaa-ee-loo-dhigay-wasiirka-madaxtooyada-wq-dr-maxamed-yuusuf-aw-cali-culimo/