Baro tuugta Ramadaanta (Waxa qortay: Ina Siciid)

Waxa jira tuug badan oo Ramadaan kasta u soo diyaar garowda dadka isla markaana heegan ugu jirta in ay cid walba dhaafiyaan khayrka iyo ajarka ay Ramadaan leedahay. Haddaba baro noocyada tuugtaas, kadibna iska ilaali yaanay ku seejin wixii khayr ah oo aad ka heli lahayd bishan barakaysan:

1. Hurdo badan iyo caajis badan
2. Dharag badan
3. Musalsallada telefishannada ka soo gala oo aad koobtid
4. Akhriska Qur’aanka oo aad maalin walba dib u dhigatid adigoo leh berito ayaan bilaabi doonaa
5. Moobilkaaga iyo internet-ka oo aad wakhtigaaga oo dhan ku qaadato
6. Habeen oo dhan oo aad makhaayadaha ku cawayso kuna saamalaysho wax aan cibaado ahayn

Fadlan u soo jeed kaliya akhrinta Qur’aanka, tukashada salaadaha iyo wax kasta oo cibaado ah oo aad Allaah ugu dhawaanaysid.

WQ: Ina Siciid
bandhige@gmail.com