Beenihii aan rumaystay (WQ: Cabdifataax Sheekh Nuux Jaamac “Suldaanka”)

1: Bayle Bidixle ama Cabdi Bayle, ayaa walaalkii goolka galay , Bayle ayaa baryay walaalkii inuu goolka isaga baxo , walaalkii wuu diiday , Bayle ayaa kubadii ku laaday walaalkii, beerka ayaanay kaga dhacday, sidii ayuu ku dhintay walaalkii, Baylaa xanaaqay oo ooyay , kabihii dahabka ahaa & koobkiiba walaalkii ayuu ku ag-aasay .

2: Sanadka 2002 waxaa dadka cuni doona hablaha is cadeeyay ( Khaakh / Vampire ) ayayna isku badalayaan , guriga kamaan soo bixin maalintaas.

3: Hitler muu dhiman ee wuu nool yahay , waxaa laga yaabaa inuu yahay odaygaa yar ee dhuxulahaa ( oday yaroo cadaab ahaa oo kubadda ku dhacda meeshiisa midi naga galin jiray ), waxaan aaminsanaa inuu Hitler oo soo baxsaday yahay .

4:Dadka Yurub iyo Maraykan taga, waa dad tadhahay oo kor u kaajay , xitaa lacagtay xaarka iskaga biiyaan ( Way i soo lugooyeen , afka goosta, waa halkuu faqriguba ka bilaabmo ) .

5:Maalinta aad jaamacadda ka baxdo , waa la isku kaa laynayaa , lacag ayaad ka dhargaysaa ( Istaaqfurulaah, been ayay ii sheegeen ).

6:Tiinka hadaad cunto , biyo ha ka daba cabin , waayo calooshaada ayuu tiinku ka soo dhex baxayaa ( 7 cishaanan biyo cabin ).

7:Harakoogu calooshuu socodsiiyaa ( waabay igu istaagtaa ).

8: Naqaska ha isku celin , hadii kale xiiq ayaad qaadi ( istaaqfurulah , waa beentood ).

9:Qofka dhinta ee xiiqda leh ama samboorka , marka ciida lagu rogo way ku kacdaa ( Istaaqfurulah, ma mayd ayay xiiqi ku kici ).

10:Gabadha marka ugu horaysa ( i love you ) laguma yidhaa , way kaa boodaysaa ( Somaliduba difaac ayay ku wada jiran ).

11:Roobka farta ha ku fiiqin hadii kale ma soo da’ayo , qoriga qaadkaa lama gubo , waayo awliyadaa ku habaaraysa , dhulka ha qodin oo qori ha ka taagin , hadii kale qofbaa dhimanaya .

12: Six pack hadaad yeelato , dumarkaa isku kaa laynaya ( Hadda raga caloosha waawayn ayay jecelyihiinba ), aar meesha way na waaleen .

13: Dharka Ciida qarso , yaanay cidi kaa arkin , hadii kale way kaa cawryayaan .

14: Haduu sacu marada cuno , surwaalku kugu yara dhago , salaadu kuuma ansaxayso , ilaa mid aan ka saar idhi i garaaci gaadhay oo maalintiiyoo dhan la iga sasabayay ( waa inan yare iska daa ).

15: Dadqal ayaa burco ka soo baxay , oo xoolihii dhiiga uun ka jaqaya , ku yarna cunay ( Anoo wayn ayaan rumaystay taas bari dhawayd , oo aan 9:00 Pm iska hoyan jiray , ummad la waalayo saw ma nihin ).

16: Asma coday ( Rag waawaynbaan ka dhaadhiciyay anoo nin wayn ah , aar niyow dhankasta way naga dhaga barjeeyeen .

17: Dagaalkii Af-Ganistan & kii SNM-taba , kaaraha iyadoon cidi wadin ayuu dada eryanayay , xitaa dhagaxaanta ayaa dagaalamyay ( Inaalilaah, waa hoo baaruud caadiya ).

18: Araweelo marka xabaasheeda la booqdo , Raggu dhagaxaan ha la dhacaan , dumarkuna ubax ha dhigaan ( Nin wayn oo dhagax wayn sitaan arkayay ayaan dhawayd oo uu meesha booqday , 40 jir ayuu waxaas ku rumaysan yahay, yaa waduud , dadku ma fayooba ee Sheekh Rusheeya inoo doona.

Waxba lagama qaban karo imika , dadkaasay ku leeyihiin run ha sheegaan imika, maxaanu run sheegnaa yaa ilaahii.

Dee ku dara idinkuna ……..

Suldaanka Dhalinyaradda Somaliland
Nin yaraantiisii la soo waalay.