Berberi baahi weyn ayay u qabtaa Cumar Axmed Yaasiin inuu ku soo biiro hoggaankeeda maamul (WQ: Cabdixakiim Cali Xuseen)

Haldoor Cumar Axmed Yaasiin oo kamida dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee degmada berbera ka sugayso inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Maamulka hada ka jira iyo kuwii uga horeeyeyba.

Haldoor Cumar Axmed Yaasiin ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay iska markaasina u sharaxan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee degmada berbera ee dhawaantanta la rajaynaayo in dalka ay ka qabsoonto , Haldoor Cumar ayaa markii uu adkaysan waayey hantiboobka iyo musuqa hadheeyey maamulkii degmadiisa berbera ayaa waxa uu u badheedhay inuu si toosa siyaasada ugu soo biiro iska markaasina uu badbaadiyo degmada berbera.

Haldoor Cumar Axmed Yaasiin oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa dadweynaha reer berbeea aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Berbera ,Farxadan iyo qalbisamaanta bulshada reer berbera ku qaabisay musharaxnimada Haldoor Cumar Axmed Yaasiin ayaa waxa sabab u ahayd doorkii iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu Cumar Axmed Yaasiin kaga jiray qaybaha kala duwan ee bulshada berbera isagoo isla markaasina ah shaqsi bashaasha oo dhalinyaro iyo waayeel bulshada reer berbera qiimeyn iyo karaamo kaga mutaystay hab-dhaqankiisa shaqsiyeed ku suntanaa samafal iyo ku-tiirsanaanta bulshada gobolka saaxil guud ahaan isagoo isla markaasina ah shaqsi ka dheeraaday cunfiga qabyaalada iyo aafooyinka bulshada kala qaybisa.

Haldoor Cumar Axmed Yaasiin oo mudooyinkii ugu danbeeyey kamid ahaa Ganacsata miisaanka culus ku dhex leh guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaana Gobolka Saaxil ayaa waxa uu kasoojeedaa qoys balaadhan oo ka caana gobolka saaxil iyo gayiga Somaliland ,qoyska reer Axmed Yaasiin ee uu ka dhashay Cumar Axmed ayaa horeba ay uga soo baxeen hogaamiyayaal dhawra oo bulshadu mahadisay hogaamintooda siyaasadeed iyo bulsho

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Haldoor Cumar Axmed Yaasiin Baahi Weyn bay bulshada reer Berbera u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

Cabdixakiim Cali Xuseen

Berbera/Somaliland