Bilawga Burburka Xisbiyada SL iyo Dib U Curashadda Kacdoonkii Reer Miyiga (WQ: Cabdullaahi Xaaji Saciid)

 

GUNDHIG

Kadib shirkii Burco May 18th 1991  lagu dhawaaqay gooni isku taaga Soomaalilaan, waxay beelaha degga Soomaalilaan iskugu yimaadeen shir labbaad magaaladda Boorama bilawgii 1993, halkaasoo loogu gogol xaadhaayay in lagu asteeyo hanaan ismaamul, gabagabadiisiina waxa lagu doortay Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, halka ku xiggeena loo doortay Cabdiraxmaan Awcali Faarax. Shirkaasi wuxuu ahaa shir beeleed, qaab ka wax loo doortay ama maamulka lagu dhisayna wuxuu ahaa qaab beel ku dhisan. Ma jirin wax dastuur ah oo qornaa, baddelkiisa waxa jiray axdi qarameed ay beeluhu ku  heshiiyeen 25th April 1993 shirkii Boorama. Ujeedku wuxuu ahaa in maamul beel ku dhisan la yagleelo kadibna looga guuro nidaam ku dhisin ismaamulka casriga ah. Si kale haddaan u dhigno, in axdi qarameedka looga guuro dastuur, habka beelahana looga guuro xisbiyo afkaar siyaasadeed huwan. Hadafku u wayni wuxuu ahaa in dadka laga xorooye qabyaalada iyo beelnimada loona xoreeya siyaasad afkaaro iyo mabaadii ku dhisan, waxay ahayd talaabo difaac ah oo loogu talagalay in lagu xakeemayo qabyaalada. Allaha u naxariistee waqtigii Madaxwayne Cigaal ayay suurowday in dastuurkii la dhamaystiro, inkastoo dadka qaar dastuurka laftiisa iyo qaabkii loogu codeeyayba ay aragti kala duwan ka qabaan. Haddana dastuurkiisa wuxuu noqday mid la ansixiyo shar iyo kharyba. 

HORDHAC

Kadib  markay dhaceen dagaala sokeeye oo dad badan galaaftay in xisbayada la yagleelo waxaa loo arkaayay in ay muhiim u ahayad wada noolaanshaha iyo is neef ogalaaanshaha bulshada Soomaalilaan. Kobcinta awoodaha xisbiyo siyaasadeed oo aragtiyo siyaasadeed ku dhisan ayaa loo arkaayay inay dabar u noqon karto qabyaalada xadhkaha goosatay ee kala fogaysay beelihii Soomaalilaan. Waxa loo arkaayay in xisbiyadu u adeegi doonaan shacabka, una noqon doonaan dhexdhexaadiyayaal u dhexeeya shacabka iyo xukuumadda. Waxa la filaayay in codka shacabka ay qaadidoonaan maadaama ay adag tahay in codka shaqsigu uu si toos ah u saameeyn karro siyaasadda dowladda. Ujeedku wuxuu ahaa in qofka shakhsiga ahi codkiisa ku biiriyo codad kale oo la fikir ah, si ay isbadalka siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho saamayn ugu yeelan karraan. Siday doonta ha ahaatee, tayada waxtarka xisbiyada Soomaalilaan waxa lagu qiimayn karaa waxyaabaha ay ka qabteen wixii laga filaayay. Ma qaadeen codkii shacabka? Dadka fikir maku midooyeen mise waxay dib ugu rareen halkii ay ahayd in laga guuro?

Waxa xaqiiq ah,  dadka reer Soomaalilaan intooda badani in ayna kalsooni ku qabin xisbiyada, banadkoodu waxay miciin bideen, aamineen oo ay  kalsooni siiyeen qabiilka markii ay ku hungoobeen xisbiyada been abuurk ah.

Ujeedadda maqaalkani waxa weeyi in lafagur iyo falanqayn aan ku samayno dildilaaca iyo burburka kusoo socda xisbiyada Soomaalilaan iyo sababta keentay in shacabkii wali kalsooni ku qabaan nidaaamkii beelaha.

 Burburka Xisbiyadda 

Saddexda xisbi ee ka jira Soomaalilaan hadda, si aad ah ayay u itaal daran yihiin waxa ka qaalib noqday nidaamka qabaliga ah ee ku dhisan haybta iyo beelnimadda. Doorashooyinkuna inta badan waxay bannaanka keenaan awooda dhabta ah ee ay shacabku ku kalsoonyihiin oo ah tan qabiilka. Waxa muuqata in dadkii ka guureen xisbiyadii una u geereen qabiilo. Waxa cad in shacabka hortii madaxdii xisbiyadu iyagu dib ugu guureen qabyaalad. Wasiirka Xannaanada xoolaha Siciid Sulub oo maalin dhawayd meel fagaara ah ka hadlaayay wuxuu toos u cadeeyay in xisbiyadu ka leexdaan aragtadii iyo afkaarihii ay u taagnaayeen “Waxaynu xisbiyada u samaysanay in aan qabyaaladda kaga baxno, hadda axsaabtii qaranka ayaa wada in ay dadka qabaa’il u kulla saarto”.

Dhanka kale,  Xogyaha arimaha bulshada Xisbiga UCID Ramaax ayaa isna ku calaacalay “9 qof baa maanta boorama ku xidhan oo loo xidhay maxaad hebel u sharaxdeen iyo hebel muxuu u sharaxan yahay, waar miyaanay dastuurkii oo meel lagaga dhacay ahayn, xisbayada mabaadii in ay ku tartamaan bay xaq u leeyihiin”

Hadalka Ramaax wuxuu u dhigan yahay, in xukuumadda iyo xisbiga talada hayee Kulmiye ay yihiin kuwa qabyaaladda korinaaya oo ka baydhay jidkii xisbinimada. 

Dhankastoo laga eegaba, aqoonyahannadu waxay ku andacoodaan in sababahan soo socdaayi ay aasaas u yihiin daciifnimada xisibiyada:

1)  Korodhka qabyaalada, oo haysata sharciyad aad u ballaaran iyo awoodo qarsoon. 

2) Madaxda xisbiyada oo  inta badan xisbiyada u adeegsada horumarinta dananahooga khaaska ah.

3) Hadba, xisbiga talada haye oo ku bixiya dhaqaalo badan sidii bulshadu u aamini lahayd qabiilka. Dhaqaalahaas oo qayb ka ah qoondadu xukuumaddu ugu talagashay hurumarinta qabyaaladda iyo unkida isbaahaysiyo qabiilo ku dhisan.

4) Iimaan la aanta kolba xisbiga talada dalka haya, oo isku daya in codka ku helo

hayb iyo nidaam qabali ah isagoo isticmaalaya hantidii qaranka. Tani waxay keentay in xisbiyada kallana ku daydaan halkii ay ahayd in ay tooshka ku ifiyaan siyaasadaha qariban ee uu ku kacaayo xisbi kastoo talada hayaayi.

5) Waxa jirta lacag guna ah oo la siiyo saddexda xisbi bilkasta, dadka qaar baa waxay ku doodayaan in  xisbiyada qaar u jiraan kaliya inay helaan lacagtaas, iyagoo lacagtaasna madaxda xisbiyaddu u isticmaalaaan nafahooda iyo qoysaskooda.

6) In xukuumada talada haysaa ay mar walba ku dadaasho in xisbiyada jiraa ay noqdaan qalfoof huwan magac xisbi, dagaalna ay la gasho in uu madaxda xisbiyada noqdo qof ay u arkaan in uu aaminsanyahay aragti qabiil ka duwan.

7) Wax-qabad la’aanta xisbiyadii talada dalka iskaga danbeeyay, oo ku fashilantay inay bixiyaan adeegii iyo daryeelkii asaasiga ahaa ee ay ubaahnaayeen shacabku.

8) Xisbiyada siyaasadeed ee aan wali xukunka qaban laftoodu kama baxsan karaan eedeynta dadweynaha ee ah in ay ku guuldareysteen inay qaadaan  rabitaanka shacabka xukuumadana culays ku saaraan in ay wax ka qabato adeegyada aassaasiga ah ee ay shacabku u baahan yihiin.

Doorashooyinka Iyo Doorka Xisbiyada 

Xikmad baa ahayd ” cuudka iyo digada tayadooda waxa la kala oggaadaa marka la shido” cuudkuna uu carfaa, digaduna way urtaa. Inta aan la shidin way isku muuq iyo midab dhaw yihiin. Xisbiyada SL waxa la gartaa waxay dhab ahaan u taagan yihiin marka doorasho soo dhawaato. Madaxdoodu waxay isku baddelaan oday dhaqameedyo. Waxay furaan tartanka reeraha. Waxa muuqata horjoogayaashu reeruhu inta ay meel iskugu keenaan murashixiintii tartamaysaa in ay ku wareejiyaan cidii dhaqan lahayd iyagoo reer hebel ah halkii ay ka ahayd in xisbigu soo xullo cida magaca xisbiga ku tartamaysa. 

Baaralmankii 2005 

Kuwa dhaliishan baaralamankan reeruhu soo doorteen oo 16 sano ka hor waxay ku doodayaan in baarlamaankani uu ahaa mid been abuur ah, oo loo sameeyay in lagu mashquuliyo shacabka lDoorashooyinka qabyaalada iyo musuqmaasuqa.

Markii baaris dhow la sameeyo, baarlamaanka waxaa loo arki karaa inuu yahay golaha masuuliyada ugu wayn leh in qabyaaladu xadhkaha goosato sharcigii iyo wixii ummadu ku heshiisayna la baalmaro. Waayo, waxa loo arkaa inay yihiin golihii sharciga ku seetayn lahaa cidkastoo la timaad qariskatuurnimo siyaaseed. Waxa loo arkaa in qayb wayn ka yihiin jaahwareerka siyaaseed ka jira Soomalilaan ayna ku fashilmeen in ay noqdaan hay’ad sharci dajin oo dhab ah. Waxa laga filaayay in ay xukuumada ku xakameeyaan sharciga waxaysa la yimaadeen in ay xoojiyaan oo ay bari-taaraan qabyaalada iyo reernimada. Waxay ahayaan 82 xildhibaan oo kasoo kala baxay xisbiyada kala duwan, waxase intooda badan rahaamatay oo ay u shaqayeen hadba qofkii dalka ka taliya.

Koboca qabyaaladda 

Kobaca daacad u ahaanshaha qabiilka waxaa sii dhiirrigelisa xukuumada si ay uga hortagaan kobaca awoodeed ee xisbiyada kale. Xukuumuda waxay bilawday dhaqan ah in ay heshiisyo la gasho horjoogayaasha qabiilada. Madaxwaynaha talada ku guulaystaa qaacidada kaliya ee istimcaalaa marka  uu digreeto soo saaraayo waa reernimo, isagoo halkaa la iska dhigay in xisbinimo, karti, aqoon iyo khibrad lagu bixiyo jagooyinka sare iyo kuwa hoosaba. Warqadkastoo kasoo baxda xafiis dawladeed oo cid loo magacaabayo waxa ugu way n ee lagu go’aamiyaa waa reernimo.

Gaar ahaan waqitiyada doorashada xisbiga taladaa hayaa wuxuu bilaabaa in uu beegsado murashax katsa oo ka soo horjeesta odayaasha ku jira qacanta hogaanka xisbiga. Tani waxay keentay in ay Xisbiyadii kalana kaga daydaan oo ay murashaxa ku xidhaan in suldaankiisa iyo qabiilkiisa ogalaansho dadku wada ogyahay ka haysto. Arintani waxay ku qasabtay murashixiin badan oo ka xishoonaayay in qabyaalad badheedh ah ay dadka la horyimaadaan in ay qabiilkoodii dib ugu laabtaan.

Arintani waxay dhalisay in qabiilkastaa soo cimaamada xubin ka tirsan qaraabadooda ama qabiilkooda, iyadoon loo eegin aragtidiisa iyo xisbi siyaasadeedka uu ka socdo. Taasi waxay keentay dadkii  daacadnimo wayn u qaadaan qabiilkii ayna xoojiso in xubinkastaa ku xirnaato qabiilkeeda. Dadkii waxay aamineen in haddii qof qabiilka  ka mid ahi  xafiiska fadhiisto  in khasnadii dawlada reerkaasi ka  ag dhawaado. Marka laga tago in uu qabiilku sharaf u arko in uu leeyay xubno magaciisa ku sharaxan waxa jirta faa’idooyin kale sida shaqo gaynta dhalinyarta beesha, kaalmo dhaqaale u fidinta odayaasha reerka iwm. 

Maaddaama ra’yiga caamka ah ee ay bulshada reer Soomaalilaan qabaan yahay in xisbiyadu aysan awood u lahayn in ay saameyn ku yeeshaa noloshooda ayna dhalin karraan isbeddel siyaaseed oo la mahadsho, dadka badankoou waxay u jeestaan ​​qabaa’il si ay uga hoos galaan muquumita qabaa’ilka kale. Sidaa darteed, qabyaaladu waxa noqotay xubin meel kasta  kajirta oo lama taabtaan ka ah bulshada reer SL. 

FALANQAYN

Dadwaynuhuba waxay qirsanyihiin in kororka ku qaraabashada qabyaaladu ay ka dhalatay fashilka xisbiyada, taasina kaliya lagaga bixi karo in meesha laga saaro xisbiyada magac u yaalka ah ee u adeega danaha qabiilka. Dadka qaarkood waxay qabaan in labada mid uun loo go’, in qabyaalad mutaxan lagu wada dhaqmo iyo in si toosa loogu guuro hanaanka xisbiyo dhab ah oo u taagan mabaadi iyo afkaaro. Dadka qaar baa qaba in qabyaalada iyo hanaanka casriga ee dawladnimo la isku sidki karo, iyagoo xoojinaayay nidaamka labeebka  ah ee walaalaynaya qabiilka iyo dawladnimada casriga ah (hybrid system).

Dhammaan doodahaasi waxay leeyihiin mudnaan, waxa se marag madoonta ah in aan soo tijaabinay habka labeebka ah ee la isku ladhayo qabiilka iyo dawladnimada casriga ah. Natiijadii inooga soo baxdayna ay noqotay in qabiilku ka suul adkaado ama shiiqiyo hanaanka ismaamulka casriga ah toosaa keentay in aan ka adkaanwayno faqriga.

Caaqilku markuu baadiyaha joogay wuxuu daacad u ahaa qoyskiisa iyo qabiilkiisa wax badan oo uu la wadaagay qabiilada kale ma jirin marka laga tago dhul daaqsimeedka iyo waraabka oo iyaga laftooda inta badan diriri ka dhici jirtay. Maanta caaqilka magaalada joogaa wuxuu daacad u yahay siyaasi yar, oo isna daacad u sii ah gudoomiye gobol, oo isna daacad usii ah wasiir, oo isna daacad usoo ah madaxwayne. Qabyaalada casriga ahi waxay ina bartay is-dulsaarnaan daacadnimo been abuur ah. Shacabkii waxay gayaysiisay dareen dulinimo aan shuruud lahayn, halka siyaasiyiintii been abuurka ahaana ay heleen Sharaf aan shuruud lahayn. 

Gunnaanad 

Ka qaybgalka xisbiyada siyaasadeed  miro dhal noqon maayo ilaa laga helayo wacyigelin ballaaran oo ku saabsan in lafahmo macna xisbi iyo waxa uu taagan yahay iyo sidoo kale dhibaatada ay casabiyadu iyo qabyaaladu ku keeni karaan in le helo xisbiyo dhab ah oo waara. Intaa marka Shacabku ogaado iyaga ayay u taalaa in ay kala doortaan qabyaalada gaajada gacan saarka la leh  iyo dawladnimo  .