Bilowgii Dacwadda Tuke iyo Dareenkii Maalintaas (WQ: Xamse C. Khayre)

Sanadkii 1992-kii ayaa TVga CBC oo kanada iyo Xarunta Xaquuqal Insaanka oo Raaqiya Omer ka socotay ay yimaadeenGabiley. Waxay barnaamij baadhis ah ka samaynayeen waxyeeladii Taliskii afwayne guud ahaan, gaar ahaan Kornayl Tuke oo Gabiley ka gaystay xasuusq shacab iyo tacadiyo aadamaha ka dhan ah. Waa kiiskaa maanta Maxkamada Virginia u xukuntay mid ka mid ah dadkii uu Tuke gumaaday oo si mucjiso ah uga badbaaday dad la xasuuqay. Taa warkeeda waad haysaan oo ku dheeraan maanta.

Waxaan idinla wadaago jeclaa maalintaas ay waraysiga doonayeen qoladda TVgu daraan aanan ilaa imika ilaawin oo aan xasuusto. Waxaa dhacday in dadkii reer Gabiley ee markaa ku sugnaa goobtaa suuqa badhtankiisa la yidhi “..waxay qoladan cadaanka ahi wax idinka waydiinaysaa gaboodfalladii uu idiin geystay Kornayl Tuke..waxaa la doonayaa in aad ka warbixisaan oo cajalad Fiidiyow la ifinka duubo…”. Waa sanadkii horaantii 1992 oo dadkuba xeryihii qaxootiga kama wada iman. Siyaad Barre ma dhiman walina Geddo (buurdhuubo) ayuu joogaa oo ah halkii u ku dhashay.

Dadka waxaa wali horyaalay lafihii dadkii la xasuuqay waxaana qoyan nabarka xasuusta damaqa leh ee waxyeeladda soo gaadhay. Yaanan hadal idinku daaline, cid soo dhiirata oo u waranta wariyahan ayaa markiiba la waayay. Xasuusta soo-hadal qaadka godobtooda ee damaqa leh, kala aamin baxa dadka ku dhacay ee talisku ku sababay 21 sanadood  iyo dadka oon rumaysnaynba in aakhiro mooye, ifka dushiisa cadaalad Tuke wax ka qaban kartaa aanay jirin ayaa, malahayga, ugu wacnaa dadku inay ka caga-jiidaan waraysiyada CBC rabtay. Dadku wuu ka giigay arinkaas. Iyaguna (wariyeyaashii) garowsade baaxadda cabsida iyo damqashada inta ay le’eeg tahay.

Labadda haween ah ayaa oo markaa kolayo qaad ku haystay meel u dhow halka ay ku keliyaysteen ayaa mar keliya si aan tashan u booday oo yidhi “..Waar Anagaa u warami..”. Waa Faadumo Askar (aun) oo cidii garanaysaa way garan’e talo-qabeen, codkar ahayd iyo Hooyo Xallimo Yuusuf (sawirka sare). Markaa kadib ayaa dadkan oo dhami soo xoomeen sidii oo loo balaaleeyay. Faadumo Askar walaalkeed baa gaadhi dabada loogu xidhay oo magaalada la ddhex jiidayay sidaas baanu ku geeriyooday. Hooyo iyadu waxay maalintaa ka warantay rasaas talisku ku riday oo ku dhacday nin ag fadhiyay iyadana wax ka soo gaadheen. Intaa dumarku soo dhiiradeen lafteedu maalinkaa halgan iyo naf-huris bay ahayd.

Eddo faadumo Askar kiiskii walaalkeed laguma qaadin Tuke haddana maanta luxudka ayay qabanaysaa xukunka ku dhacay ninkaas ee dacwadiisa ay ballaysintay 28 sano ka hor.Hooyo ayaa nasiibku ku simay in ay nooshahay oo maqashay warka Tuke in maxkamad la taagay oo xukun (maddaniba ha ahaadee ) ku dhacay ninkii Tuke ahaa.

 

Barnaamika halkan kala deg https://youtu.be/eybU4tCestk

Wadaag Sheeko

Xamse C. Khayre