Bisayl kama horreeyo barashada wakhtiga (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Sirta guud ahaan caalammada iyo bu’da ugu weyn ee cilmigu idil ahaan noolaha dad iyo dugaag ba u soo maraa waa wakhtiga, isaga ayuu Rabbi bud-dhig uga dhigay jiritaanka abbuurriinka oo dhan, is-leegyada kownka ee Rabbaaniga ahina waxa ay ku dhisan yihiin wakhtiga. Wakhtigu waa dhuuxa aqoonta. Dood cilmiyeedda wakhtigu dunida aqoonta gaar ahaanna Falsafadda iyo Sayniska raad weyn bay ku leedahay. Goor aan sidaa u durugsannayn ayay jaamacadaha reer Galbeedka kuwa ka mid ahi daraasaadkii Wakhtiga ka soo saareen laantii Physics-ka ahmiyaddiisuna waxa ay keentay in gaar loo darso.
Dhammaan casharrada dhaxal-galka ah ee Aadamuhu taariikhda ka bartaa waa dhud yar oo wakhtiga ka mid ah. Culuum badan oo haddeer innoola muuqda in ay gaar u taagan yihiin ayaa wakhtiga hoos yimaadda. Qof ahaan wax badan baan wakhtiga iska weydiiyay hasa yeeshee, weydiimahaasi waxa ay u badan kuwa war-celintooda isla isaga ay ka furansan weyday in aan dib ugu celiyo. Siday doonto ba ahaatee miyaynu isku meel ka taagannahay doodahan aan wax iska weydiiyay? Kuwaas oo kala ah;

● Ma garanayo sababta dadka badankiisu aanay dugsigaaga uga aflixin, waxaan se ku male-weynahay in garashada gaarrisa ee socodka diinka leh iyo sharraxaaga xaweerihiisu duulimaadka galaydhka lihi in ay kala irdhoobaan had iyo goor.

● Wakhtiyahow gu’gaagu wuxuu iga indho-saabaa hibooyinka qun-u-dhalad ee qofnimada ceebteeda ugu weyni saboolnimada tahay. Jiilaalkaaguna waa malcaammadda ugu wanaagsan ee dadka aan ku barto.

● Wakhtiyahow barashadaadu waa mid ka mid ah wax yaabaha iigu adag, in aanan sida ugu habboon kaaga dheefinna waxa aalaa ba aan ku sababeeyaa aqoon-darrada aan kaaga suganahay.

● Waxa aad tahay waxa ugu qiimiga badan hantidayda, geesta kale waxa ugu badan ee dayac igaga lumaa waa Isla adiga. Taasi oo dunida suurto-galnimada marka la joogo u muuqata sumad farta ku fiiqaysa heerka bad-qabka garaadkayga.

● Waxa aad tahay baraha ugu arxanka daran, ugu na casharrada wanaagsan, imtaxaankaagu wuxuu ka soo hor maraa dersigaaga taasina waa sababta keliya ee aan duruustaada loo illaawi karin. Waxyaabaha aanan fahmin waxa ka mid ah sababta aad mashaakilaadka laba laba iyo wixii ka badan iskugu soo raaciso.

LA SOCO…