Boorama: Magaalo Cabanaysa (WQ: Cabdicasiis Maxamed Jaamac)

Boorama waa magaalo cabanaysa, waa magaalo boqolkiiba 40 dadku yihiin arday, subixii wakhtiyada jaamacadaha iyo dugsiyada la aadayo iyo marka laga soo rawaxo aad u mashquula oo jidadku aad u mashqulsanyihiin.

Waa magaalo aad u fidaysa laakin ku socota inay noqoto SLUMS(isku raran) hadan wax laga qaban oo aan loo talin, nidaamka taraafiko shaqynayaa mabjiro, jidka ugu balaadh ee magaaladu waa 15 miter laakin boqolkiiba 80 jidadka magaaladu waa 7 meter,marka laga reebo 4 meter oo catabadaha labda dhibac wax soo hadhaa 3 meter.
Biyaha magaaladu waa gaabis oo xaafadaha magaaladu waxay biyaha u helaan maalin dhaaf, xaafadaha meelaha fog fog kuyaalana waxay helaan 3 cisho maalin, SHABA Shirkada Adeega biyaha ee magaaladu waa shirkad gaar loo leeyahay hadana ma maal- gashadaan biyaha magaalada arinkoodu waa (Jaq oo jiif).

Adeega korontada magaaladu ma xuma oo waxaa ka hawl gala labo shirkadood oo maal gashi aad u balaadhaan sameeye. Shirada ALOOG iyo TEC oo telesom leedahay.

Shirkad ALOOG oo aan buuqday waxaan ku soo arkay oo ay hirgaliyeen oo ay dabka ka dhaliyaan qoraxda iyo dabaysha waxayna ku tageeraan mishiinada saliida ku shaqeeya.

Magaalada waxaa aad ugu qaaliya laydhka la shito oo halka KWatt waa 0.8$.
Jidadka magaaladu qarkood waligood baabur ma marin oo bohol ayey noqdeen kuwa dhisana habeenkii waa mugdi oo lama mari karo.

Gadiidka Bajaajka oo ah xamuulka dadwaynah ugu badan waxay shacaka aad uga cabanayaa nidaam xumo iyo aqoon yari dhalinta kaxaysa oo aan lahayn gabi ahaanba aqoonta wadista iyo jid marista midna, midig iyo bidixba waa kaa marayaan.

Tayada guryaha magaalada laga dhiso(waa liitaan) oo waxay lamidyihiin magaaloiyinka kale ee Somaliland, taasi waxaan ka wadaa tayadoodo ma fiicno aqoona kuma dhisno cid u xilsaaran tayada iyo inta sano ee u jiri karo gurigaasi ma jirto iyo qlabka dhismaha ee dalka yimaada oo ah mid liita.

Khudaarta magaalada soo gashaa oo 60% ka timaada Ethiopia tayadeedu ma xumo waxaase nasiib daro ah in gobolkii ugu biyaha badnaa hodankan ku ahaa BEERAHA khudaarta iyo cuntada soo waaridaan oo dibada ka keenana.

Nidaamka daawoyinka magaaladu waa halista ugu balaadhan ee aan arkay inaad farmasii dawada iibiya furataa waxay lamid tahay inaad tukaan basasha iyo toonta gada furato.
Adeega Hoosbitaalada magaaladu inta badan waa kuwo gaar loo leeyahay marka laga reebo hal mid adeegoodu ma fiicno nidaam daro baahsan waa jirtaa.
LA SOCO QAYTA LABAAD………

Image may contain: 1 person, sky, car and outdoor