Humaagga habawsan ee ay warbaahinta dunidu mar kasta ka bixiyaan qaaradda Afrika ayaa sababay in markasta oo ay dhagahaaga ku soo dhacdo Afrika ay isla markiiba maskaxdaadu sawirato meel faqri, colaado, cudurro, musuq-maasuq iyo adeeg bulsho oo liitaa ay halakeeyeen, waa qaar badi ku hawlan inay adduunka usoo tabiyaan waxa afrika ka qaldamay amaba hoos maray. Balse waxa wali jira afrika tusaalayaal nool iyo wadamo badan oo laga dheehan karo dawlad wanaag,horumar dhaqaale iyo mid bulsho oo la tartami kara wadamada horumaray.
Si aan u bildhaamino mucjisada afrika waxaan qormadan ku eegaynaa Botuswana taas oo lagu nanaysay mucjisada Africa {An African Miracle}.
Taariikhda Dalka oo Kooban
Magaca Botswaana waxa laga soo dheegay weedha TSWANA oo ah magaca loo yaqaan qabiilka waddankaasi u badan tiro ahaan. Waxay dhulkaa usoo guureen horraantii qarnigii 18aad iyaga oo kasoo haajiray dhulka maanta la yidhaahdo south Africa (Samatar, p.9). 1885kii ayay noqotay maxmiyad ingiriisku leeyahay. Waa waddan aan haba yaraatee lahayn wax bada oo uu in ta badan ku gadaaman yahay dhul , waxa uu dhacaa koonfurta Africa isla markaana baaxadda dhulka uu ku fadhiyaa qiyaas ahaan waa 581,730 km2, taasi oo 566,730 km2 ka mid ahi ay yihiin dhul ama berri. 4% ayaa ah mid ku habboon wax beeris. Waxa ay xuduud wadaagaan wadamada koonfur Africa, Zimbabwe ,Namibia , Zambia.
lacagta laga isticmaalo waddanku waa Botswaana Pula wixii ka danbeeyay markii ay xorriyadeeda dib uga heshay mustacmaradii ingriiska sannadii 1964kii. Waxaana caasimadii waddanka loo wareejiyay GABORONE 1965kii.
Isla 1965kii ayaa la qabtay doorashooyinkii u horreeyay ee wadanka Seretse Khama oo u tartamayay xisbi madax bannaan ayaana ku guulaystay taladii wadanka noqdayna madaxwaynihii ugu horreeyay, laba jeer oo ka danbaysay ayaana dib loo doortay sanadii 1980kii ayaanu dhintay isaga oo xilka haya, Ketumile Masire oo ku xigeenkiisa ahaa ayaa xilkii qabtay laba jeer oo ka danbaysay ayaana dib loo doortay 1989kii iyo 1994 kadib waxa uu hawl gabay 1998kii, waxaa xilkii la waregay madaxwayne ku xigeenkiisii Festus Mogea ayaa xilkii qabtay waxaana dib loo doortay laba jeer oo kala danbeeya 1999kii iyo 2004tii waxaanu hawl gabay 2008dii kadib waxaa xilkii ku guulaystay Iam Khama oo ah wiilka madaxwaeynihii ugu horreeyay ee waddanka Seretse Khama isaga ayaana xilka haya laga soo bilaabo wakhtigaa illaa immika.
Botuswana waxay badhtanka uugu jirtaa qaar kamida wadamada aduunka ugu fiqiirsan balse waxay noqotay mid kamida sheekooyinka guusha afrika.
Qanimada iyo ka faaidaysiga ganacsiga dheemanta, maamul wanaaga, horumarka dhaqaale iyo tirade yare ee dadka ah oo ah laba milyan ayaa ka dhigay inay noqoto wadamada dhaqaalahoogu dhexdhexaadka yahay.
Bilowga Horumar Dhaqaale Gumeysiga Debadii
Khubaro badan oo ku takhasustay culuumta dhaqaalaha ayaa aaminsan in Botswana ay tahay waddan ka soocan waddamada dhiggiisa ah ee qaaradda Africa marka loo eego dhinacyada ay ka midka yihiin soo kabashadii dhaqaale wixii gumeysiga ka danbeeyay, haykal dawladnimo oo dhidibo adag ku taagan, deegaan ka xor ah raad kasta oo musuqmaasuq, dhiirri galinta in dadku ay yeeshaan hanti ma guurto ah {private property} oo ay gaar u leeyihiin (i.e warshado, beero, dhismayaal, i.w.m) si uu koboca dhaqaale uga soo bilaabmo dadka dhexdooda, I.W.M.
Maanta, Botswana waa foolaadka wadamada ku tallaabsaday horumar dhaqaale oo la taaban karo gumeysiga kadib,xawaaraha dhaqaale waxa uu ku socdaa 9%, dakhliga qofeed (per capita income) waxa uu kor u kacay $293 illaa $3516,heerka faqiriguna (poverty status) waxa uu hoos u dhacay 59% illaa 20% mudadii u dhaxaysay 1985kii illaa 2010kii, (Africa Development Bank). Botswana waxay ahayd waddanka 3aad ee ugu faqiirsan adduunka sannadii 1965kii markii ay qaadatay xorriyada, Isugeynta tabaca sannadlaha ah (Gross Domestic Product) waxa uu ahaa $70 waa mustawe aad u argagax leh marka lagu dabaqo culuumta dhaqaalaha, hase yeeshee waxa si layaab leh cirka isugu shareeray mudadii u dhaxaysay 1966kii illaa 1999kii xawaarihii uu ku socday isu geynta tabaca dhaqaale oo gaadhay heer aanay dunidu hore u arag 5.9% kana dhigtay inay hanato kaalinta saddexaad ee hogaaminta dhaqaale ee dunida kana mid noqoto wadamada uu dakhligoodu uu aadka u sarreeyo (upper middle income countries) World Bank 2015..
Xagga ganacsiga Botswana waa xubin ka mid ah urur ganacsiyeedka ay ku bahoobeen wadamada koonfur Africa (south African customs union) taasi oo macneheedu ay tahay in wax kasta oo Botswana u dhoofiso wadamadaasi aan wax cashuur ah laga qaadin iyaduna sidaa si leeg. Hay’ada maraykanka u qaabilsan ganacsiga ayaa sheegaysa in la ganacsiga Botswana haba yaraatee aanay jirin wax cashuur ah uu ku lifaaqan. Ganasiga ugu wayn ee Botswana ay la gasho adduunkuna waa macdanta dheemanka oo ay hodan ku tahay. Waxa lagu qiyaasaa lacagta ay Botswana ka heshay ganacsiga illaa sannadii 2008dii ay dhan tahay $5.127 (World Trade Organization).
Dhinaca dalxiiska oo ay aad ugu horreyso Botswana ayaa 12% ku biiriya isugaynta tabaca dhaqaale ee waddanka (GDP) . Okavango Delta oo ah biyo dhaca ugu quruxda badan dunida ayaa ku yaalla Botswana oo sannadkii dalxiisayaal caalami ah oo badan soo jiita. Waa waddanka uu ku nool yahay xayawaanka la yidhaahdo maroodiga tiradiisa ugu badan dunida, waxa ku yaalla lama degaanka ugu dheer Africa Kalahari Desert oo isaguna ah meel loo dalxiis tago. Xaga shaqo abuurka sannadii 2014kii 23,000 oo qof ayaa shaqooyin ka helay dalxiiska dalka (Botswana Tourism Authority). Dawladda Botswana iyada oo maanka ku haysa faaiidooyinka uu ganacsigu u leeyahay dhaqaalaha waddanka waxay samaysay 1999kii urur madax bannaan oo ku shuqul leh ka warhaynta iyo kor u qaadida tayada goobaha dalxiiska, waxa kale oo ay aad u fududaysay helidda dal ku galka (Visa) si aanay dalxiisayaashu ugu dhibtoon, waxa kale oo ay ka yagleeshay huteelo iyo bangiyo aad u casri ah goobaha dalxiiska, ciidan u gaar ah ilaalinta ammaanka dalxiisayaasha kulligood, waa tallaabooyin ay dawladda Botswana ku horumarinayso awoodeeda dalxiis. Taasi waxay keentay in 843,314 dalxiise ay yimaadeen waddanka sannadii 2014kii (BTA), dakhliga kasoo xeroodayna waxa lagu qiyaasay $313 million. Wasaaradda arimaha gudaha ee maraykankuna waxay muwaadiniinteeda u sheegtay in Botswana ay tahay waddanka ugu haboon ee loo dalxiis tagi karo Africa. Qoraayo fara badan oo caalami ah ayaa ka qoray sheekooyin xiiso leh kadib markii ay dalxiis ku tageen Botswana waxa ka mid ah sheekada THE CRY OF KALAHARI oo ay qoreen lammaanaha Mark and Deila Owens, THE AMAZING RACE ee uu qoray Alexander Mcall.
Dhinaca beeraha, sidaynu hore u soo sheegnay dhulka Botswana waxa fara baas ku haya lama degaanka kalahari, 4% ayaa ah dhul ku haboon wax beerasho taasi ayaa keentay in ay wax beeristu ku biiriso dhaqaalaha guud 2.8% oo keli ah. Dhaqaalaha waddanku wuxuu aad ugu tiirsanaa beeraha ka hor intii aanay qaadan xorriyada macdanta dheemankana aan la sahamin, laakiin wixii xorriyada ka danbeeyay waxa xagoodii galay ka ganacsiga macdanaha kala duwan ee dheemanku u horreeyo.
Sababaha keenay in Botuswaana inay horumarto
Horumarka Botuswana gadhay waa mid ku yimid dadaalka shacabka iyo hogaaminta wanagsan ee madaxdooda, sababha keenay in Botuswana horumartaa waxaa kamida:
- Dawlad wanaag
- Xakamaynta musuqa iyo eexda
- Ka faaidaysiga ilaha dhaqaale ee dalka
- Saraynta sharciga
- Ilaalinta midnida bulshada
Soomaalidu maxay ka baran karan Botuswaana?
Casharada laga barankaraa Botuswana waa qaar aad ubadan hadii madaxda somalidu daraaseeyaan wax badan baan ka baran karnaa oo ay ka mid tahay:
- Sida umad loo dhiso ama loo horumariyo
- Ladagalanka musuqa
- Isku haynta bulshada
- Dawlad wanaaga
- Dhismaha haykalka dawladnimo
Gunaanad
Botuswana waa dal kazoo dhex baxay qaar kamida wadama aduunka ugu fiqiirsan sida Namibia, Zambia ,Zimbabwe. Hadana waxa ay noqotay mid kamida wadamada dhaqalahoogu dhex dhexaadka yahay ka dib dadaal dheer.
Tixraac
An African Miracle: State and Class Leadership and Colonial Legacy in Botswana. Development, by Abdi Ismail Samatar, Heinemann, 1999, pp.217, ISBN: