Bushaaradii Aqoonsiga Q.1aad (WQ: Muhamed Dhimbiil)

Somaliland iyo Somalia wadahadalka dhex mari doonaa waxa uu noqonayaa kii ugu dambeeyey ee lagu dhex-dhexaadinayo labadan dal.

Waxa xooga la saari doonaa in la isku soo dhawaado oo dawlad kaliya la isku noqdo iyada oo lacago badan lagu bixin doono arimahaa awgood.

Waxa ay Somaliland istaagi doontaa meel adag oo aan la loodin karayn, waxaana ay ku adkaysan doontaa go’aankeega dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland.

Halkaa markay marayso ayaa waxa la soo kordhin doono khubaro beesha caalamka oo badan oo ilaa Qaramada midoobay ku jiraan.

Waxa go’aan lagu soo saari doonaa in dadka Somaliland afti dadweyne laga qaado si rabitaankooga aan loo afduubin.

Waxa diidi doonto Somalia, waxa aduunyadu ugu hanjabi doontaa in ay gabi ahaan cilaaqaadyada lagala noqon doono Somaliland shuruud la’aan loo aqoonsan doono.

Somalia waxa ay ogolaan doontaa aftida dadka Somaliland laga qaadayo, waxaana ay codsan doontaa in mudo sanado ah la siiyo loona ogolaado in ay gudaha Somaliland uga ololeyn karaan midnimada.

Somaliland baa loo soo bandhigi doonaa, Somaliland waxa ay diidi doontaa in ay gudaha Somaliland midnimo looga olaleeyo, waxa kale oo ay ka cudur daaran doontaa in mudo badan aftida dib loo dhigo.

Waxa la isla qaadan doonaa in muddo 1sano gudaheed ah aftida lagu qaado, somalia waxa ay dagaalo qabali iyo qaar siyaasiya oo hoose ku soo qaadi doontaa Somaliland, iyada oo halkaa maraysa ayey mudadu ka dhamaan doontaa xukuumada hadda joogta ee somalia.

Beesha caalamku waxa ay soo saari doontaa cid aan waxii lagu heshiiyey qabyeynin oo halkeedii ka sii wada, waxa soo bixi doona siyaasi cusub oo waxii lagu heshiiyey ee dawladii ka horeysay saxeexday fuliya.

Somaliland waxa laga qaadi doonaa aftidii waxaana iman doona aduunka badankiisa oo goob joogeyaal ka noqon doona, waxaana Somaliland aftidaa ku heli doontaa in ay gooni u go’day iyaga oo 78% u codeyn doonaan gooni isu taag dadka laga qaadayo aftida oo 89% dadka Somaliland ah.

Waxa lagu dhawaaqi doonaa aqoonsigii Somaliland waxa aduunyada oo dhan looga dabaal dagi doonaa maalinta beesha caalamku aftida si caalamiya ugaga dhawaaqdo xarumaha ugu waaweyn ee beesha caalamku leedahay.

Somaliland waxa la qoondayn doonaa 7 cisho oo damaashaad xaflado iyo farxad lagu jiri doono iyada oo dal iyo dibadba uu qabsan doono oo ka muuqan doono calanka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

La soco Qaybta 2aad

Muhamed Dhimbiil