Caafimaadkaagu yaanu noqon ka Faarax oo kale! (WQ: Ina Siciid)

Aadamaha ayay dabcigiisa tahay in aanu ilaashan waxa wanaagsan ee uu haysto, laakiin marka uu waxaas waayo uu daba ordo.

Faarax wuxu ahaa nin dhallinyaro ah oo caafimaad qaba, si fiican u seexda una soo toosa. Aayaan-darro, wuxu yeeshay balwado wuxuuna faraha ka qaadatay ka war haynta iyo la socoshada xaaladdiisa caafimaad. Wax kasta ka soo hor baxa wuu daldalay sida cuntooyinka aan caafimaadka u fiicnayn, sigaarka, qaadka iyo wixii kale ee la hal maala.

Haatan xaaladda Faarax way is beddeshay. Waxa ku soo kordhay miisaan badan, wuxu sidoo kale yeeshay qufac badan oo uu keenay sigaarkii badnaa ee uu qiijinayey. Hab-dhaqankaa khalad dartii ayuu koomo u galay. Waxa sidoo kale dhacday in uu koomo ku galo dhaqankaas. Faarax dhakhtarkaa la geeyey se nasiib wanaag wuu ladnaaday hase yeeshee habdhaqankii uu lahaa muu daynin ee wuu ku soo noqday.

Faarax hadda waa dhul yaal, jidhkiisiina wuu dhammaaday dhakhtarka ayaana lagau hayaa.

Halkan nagala daawo xaaladda Faarax sidii ay noqotay markii uu is dar yeeli waayey.