Cabdiraxmaan Sumayd: Qaybtii 2aad (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Qaybtii hore waxa ay ahayd hordhac ku saabsan qisada Cabdiraxman Sumeyd. Qaybtan waxa aynu kaga sheekeyn doonaa sababta uu diiradda u saaray Qaaradda Afrika.

Cabdiraxman waxa uu arkay malaayiin ku nool qaaradda oo uu ku socdo kaambeyn lagu gaaleysiinayo, inta Islaamnimadu ku sii hadhayna ay weli aamminsan yihiin khuraafaad.

Waxa uu akhriyey daraasad ay samaysay Hayโ€™ad kuwa dadka gaaleysiiya fadhigeeduna yahay Maraykanka oo sheegaysa in shaqaalaha hayโ€™adahaas ka hawlgala daafaha dunideedu ay kor u dhaaftay 51 milyan oo shaqaale.

In ay haystaan 365 kun oo kombuyuutar oo ay kula socdaan dhaqdhaqaaqa iyo waxqabadka hayโ€™adahaas.

In ay leeyihiin 360 diyaaradood oo ay gargaarka ku gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan. Idaacadaha iyo telefiishanada ay barnaamijyadooda ku baahiyaan in ay kor u dhaafeen 4050. Lacagta ay soo uruuriyaan daafaha dunideedana gaadhsiiyaan oo ay qaaradda Afrika inta ugu badan nasiibka u hesho in ay kor u dhaaftay $300 Bilyan.

Waxa uu sameeyey hayโ€™ad gargaarka u fidisa dadka isaga oo gaadhsiiya Qaaradda Afrika. Waxa cajiib ahaa in uuna gargaarka ku koobin oo kaliya dadka muslimiinta ah balse qof kasta oo baahan in uu gaadhsiiyey iyada oo aan loo eegeyn diinta uu aammin sanyahay.

Arrinkaas oo noqday mid quluubta dadka taabtay saameyn weyna ku reebay oo ay ku qaateen diinta Islaamka.

Qaybta danbe waxa aynu ku soo qaadan doonaa Insha Allah qisooyinkii cajiibka lahaa ee uu la kulmay Cabdiraxmaan intii uu dacwadda ku jiray, inta jeer ee la isku deyey in la khaarajiyo iyo sida ay qoyskiisu u garab istaageen intii uu hawshaa ku jiray.