Cabdoo qalad xisaab (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Maanta dadkii aad ayay u faraxsanyihiin, waxay leeyihiin passport kii waa laynoo ictiraafay, xoolihii waa la furayaa, barwaaqadii iyo badhaadhihii ayaa bilaabmaya, oday ayaan arkaayay lahaa waxaan ka baqayaa in habeenkiiba la soo hooyan waayo sida darka loo  jiidho, cajiib.

Taariiikhdu way isa soo celcelisaa eh, markii koonfur laynagu tuuraayay dareenkan maanta taagan oo kale ayaa taagnaa, oo dadka aad loo kiciyay, iyaga oo laga dhaadhiciyay dhulkaa koonfur ee qaniga ah iyo dadkaa badowda ah ayaynu dhulkooda dagaynaa,wabiyadaas ayaynu ka faaiidaysanaynaa.

Wixii ka dhacay waynagii u soo taagnayn, tii ayaa maantana taagan, waliba koonfur waa ciyaar eh, Ethiopia ciyaar mood, waa maraboob, mar hadii ay wadiiqo ku hesho sidaad ku baxdaa waa si adag.

Oday ii adeer ah ayaa sheeko iiga sheekeeyay, nin oday oo miskiin ahaa oo  dawarsan jiray ayaa xoolo badan  dhaxl u hell markaas ayuu dadkii uu yaqaanay oo dhan inkiray, xoolihii ayuu xisaabiyay, wuxu yidhi cimriga waxaa ku hadhay 10 sano lacagtii ayuu tobankii sano u qaybiyay, markay tobankii sano dhamaadeen, ayuu wali sii noolaaday, markaasuu halkii dawarsigii ka billaabay, markii la yidhi waar waa sidee xaalku, mee xoolihii badnaa, ayaa wuxu yidhi Cabdo Qalad Xisaab.

Waxaan idiin sheegayaa inay ka dhicidoonto Cabdo Qalad Xisaab.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com