Cabsida carruurtu usha ka qabaan (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

 

Sahra yar waxay ahayd gabadh yar oo lix sano jir ah, waxay dhiganaysay dugsiga hoose gaar ahaa fasalka koowaad ama uulada, inta badan macalimiinta dugsiga waxay ku wacygi geliyaan ardayda in ay nadaafadsa ku dedaalaan, haddii ay noqoto dharka ay xidhanayaan, haddii ay noqoto dhinaca cidiyaaha iyo cadayga ilkahaba.

Inta badana waxa dhacda in Sabti kasta marka safka lagu jiro cidiyahooda aad loo hubiyo in ay ku bexeen iyo in kale.
Haddaba Sahra yar iyadoo ka war qabta qofka cidiyo lagu arko ganaaxa iyo ciqaabta uu la kulmayo, way ka taxadiri jirtay hooyadeedna waxay u sheegi jirtay inay Jimce kasta ka gurto. Nasiib darro, hooyadeed waxay ilowday maalin jimce ah, Sahrana cidiyihii baa ku baxay, waxaanay is aragtay iyadoo joogta iskuulka, ardaydiina la hubinayo cidiyahoodii iyo nadaafadoodii, in kastoo kuwii cidiyaha lahaa ul ama dhenged lala dhacayey. Sahra yar aad iyo aad bay u naxday markii ay aragtay ardaydii dhiggeeda ahaa oo ul lala dhacayo way naxday.

Aad bay u fikirtay, waxay go’aansatay in ay ilkaheeda iskaga gurto cidiyaha si ay uga bad-baado usha xanuunkeeda, waanay iska wada gurtay dhamaan ciddiyihii.

Markii la soo gaadhay halkii ay ka taagnayd safka ee la eegay cidiyaheeda waxba waa laga waayey, waana la dhaafay ilayn ilkaha ayey iskaga wada gurtee.

Gurigoodii markii ay timid ayey hooyadeed uga sheekaysay sidii ay u xalisay ugana badbaaday ushii uu xanuunka kululayd ee ardayda cidiyhaa dhaadheer lala dhacayey.
WQ: Kamaal Xassan Isaaq
Tell: 00252-63-4402758
kamalcadow@hotmail.com
Hargeysa Somaliland