Cadaalad daradii abid ugu waynayd ee ka dhacda Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani waxa Kaw ka ahaa Guddoomiye Cirro sabab? (WQ: Nuux kadiye)

Taariikhda Maanta oo ku beegnayd 22-October -2016 waxa Magaalada Hargeysa ka Qabsoomay gunaanadkii Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi Waddani kaasi oo taariikhda maalintaasi lagu kala dooranayay labada Musharax ee Xisbigaasi uga qayb gali lahaa doorashooyinka soomaliland ee Dhacaya sanadka Fooda inagu soo haya 2017  iyadoo shirweynahaasi ay ka soo qayb galeen badiba Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo ka koobnaa 629 xubnood oo iskaga kala yimid Gobolada iyo deegaanada Soomaliland iyo sidoo kale qaar ka yimid qaarada Yurub

Haddaba Markii  la guda galay shirweynahaasi ayaa ugu horeyn waxa markiiba halkaasi lagu doortay Guddoomiyaha Xisbigaasi Waddani Kaasi oo loo doortay Xildhibaan Cabdulqaadir jirde halka Hoggaamiyaha Xisbigaasi loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan iyadoona halkaasi lagu ansixiyay marka laga Reebo Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo kumeel gaadh ah kaasi oo xilka la wareegaya marka Cirro madaxweyne noqdo hadayba suuro gal noqoto.

Intaasi ka dib waxa la gudagalay Doorashada Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi wadani kaasi oo uu isku soo sharaxay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyadoona aany cidi kula tartamaynin waxa guud ahaanba 629-kii xubnood ee Golaha dhexe ku ansixiyeen in uu Cirro musharax u noqdo iyagoo ku meel mariyay cod aqlabiyad ah.

Haddaba Markii Cirro la doortay ayaa haddana waxa la gudo galay Doorashada Musharax Madaxweyne-ku-xigeen ee XIsbiga Waddani kaasi oo ay isku soo sharaxeen Labo musharax oo kala ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii Koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Ambasadoor Maxamed Cali Aw Cabdi.

Waxaanay Xubnihii Golaha dhexe cod gacan taag ah ku ansixiyeen Musharax Maxamed Cali Aw Cabdi in uu ku-xigeen u noqdo Guddoomiye Cirro isaga oo helay 581 cod halka musharaxii la tartamayay ee Axmed muumin seed uu helay 44 cod.

Si kastaba ha ahaatee waxa xusid mudan in cadaalad darada ugu wayn ee Xisbigaasi ka dhacday uu masuul ka ahaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro isaga oona aanay cidi kula tartamin booska ugu sareeya ee xisbigaasi kaasi oo ah musharax madaxweyne ee xisbiga Waddani doorashooyinka Somaliland iyadoona arrintani ay keentay in Guddoomiye Cirro lagu tilmaamo nin boobay mansabkaa isla markaana awood ku sheegtay waxaanay dadka siyaasada indha indheeyaa sheegayaan in uu cirro mansabkaas musharaxa madaxweyne kooto ku xidhay una diiday in ay cidi la tartanto iyadoo la wada ogsoon yahay in Cirro yahay shaqsi laga kicin kari waayay booska ama kursiga saddexaad ee ugu sareeya Somaliland waa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada e.

Si kastaba ha ahaatee doorashadii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa ahayd mid si wanaagsan ku dhammaatay maadaama si cadaalada ay u tartameen labadii musharax ku xigeen halka Guddoomiye Cirro uu ku adkaystay in aan lala tartami waxana ay arrintani u muuqataa in dimuqaraadiyadii Asxaabta Mucaaridku noqotay mid cid u Afduuban

 

Nuux kadiye

Magaalada Boorama

Wariyenuuxkadiye@gmail.com