Hargeysa Isbedel xaga bilicda ah oo lagu sameeyaa waa ka dhib badan yahay kuwa degmooyinka kale. Sababahana waxa ka mid ah qorshaha magaalada (town planka), meheraha iswada dulsaaraan iyo Badnida Dadka ku nool.
Ugu horeyn, Mayorka ay si dhab ah uga go’an tahay in uu isbedel ka sameeyo caasimada Hargeysa yuu hilmaamsanaanin in ay daruuri tahay in uu albaabada isku dhufto 5000 ilaa 7000 oo meheradood.
Waxaa laga yaabaa in aad isweydiiso sidee albaabada ugu xidhayaa mayorku intan oo meheradood?
Ileen waynagii nidhi waa mayor waxqabadku ka dhabyahaye, ugu horeyn waa in uu baneeyo oo baraxo wadooyinka halbawlaha ee Caasimada. Tani kolkiiba waxaa ay ku keenaysaa in ugu yaraan 5000 oo meheradood oo yaryar oo wadooyinka iyo hareeraheeda fadhiya ka kiciyo.
Waxaa kale oo laga yaabaa in aad iyana isweydiiso oo miyaanay meelkale u guureyn? Sida qaalibka ah ganacsadaha yari malaha Qorshe 2aad (Plan B). Sidaadarteed, waxaa ay u badan tahay in uu ku talogalo marka Dawlada Hoose maalmo wax rarto in aanay sii wadayn hawshaa oo uu iskaga soo noqondoono goobtiisii hore. Ileen mayorkana waay ka go’an tahaye wuxuu joogteynayaa si dadkii la raray aanay dib usoo noqon lahayn. Meheradii yarayd ma kasoo kabanaysaa kolka ay 2 usbuuc ugu yaraan xidhnaato ee Raasamaalkii la cunayo muddodaas?
Waxaa iyana laga yaabaa in aad isweydiiso saw la qorshayn maayo oo magaalada hareeraheeda hangaro ay ku ganacsadaan looga dhisimaayo inta aan la rarin?
Dadkeenu fikir ahaan waxaa ku weyn in ay suuqa u alaabo doontaan, taasina waxa ay yaraynaysaa fursadii wax lagaga iibsan lahaa suuqan cusub. Sidoo kale, waxa ay ku xidhan tahay xaafada loo raray dadka degan hayntooda.
Ogow oo meheradahaa xidhmay marka laga yimaado in qoysas halkaa ku masaariif waayaan, waxaa ka dhalanaya sixirbarar. Waayo? Tartanka qiimaha iyo isudheeliritanka suuqa ayay qayb ka ahaayeen. Dabeeto mudadaa fakaaga ah ee alaabtii soo galaysay yaraatay, dalabkiina sidiisii yahay waxaa ka dhalanaya qiimo koror. Waxaa kale oo ka dhalanaya eedayn farobadan oo kuwii doortay ay isku seegayaan. Taana ha u diyaargaroobo.
Dhinaca saamaynta ganacsiga marka aynu ka nimaadno waxa iyana sugaysa in uu dumiyo meelo si sharcidaro ah loo dhistay si qorshaha magaaladu (town planku) u fulo. Tani kolkiiba waxa ay iska horkeeni kartaa dad xilalsare haya oo la soo safta cidda iska leh hantida la duminayo. Taana adkeysigeeda ha lahaado.
Gunaanad: Qofkasta oo niyeda ku haya in uu mayor noqdo haka sii fikiro saddex arimood oo ta ugu weyni tahay iswaafajinta filashada dadweynaha iyo Awoodda sharci iyo dakhli ee Dawladda Hoose kuwa soo raacaanaa yihiin wadashaqaynta Xukuumadda markaa joogta iyo awoodiisa Hogaamineed.
Fikirkayga
Mohamoud Saed Adaad