Ajandaha “dumar-ragaynta –feminism” ujeedkiisu kuma eka u-sal dhigidda sinnaanta ragga iyo dumarka oo qudha, lakiin waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo liddi ku ah jiritaanka qoyska, una socda salguurintiisa. Bilawii hore ee dhaqdhaqaaqani waxa uu ahaa 1848, waxana yool u hayd in dumarka reer Galbeed helaan xuquuqo asaasi ah oo ay ka mid tahay xaq madax bannaani, xaq lahaansho iwm.
Mawjaddii labaad waxa ahayd 1960, waxayna la sara-kacday doonista sinnaan dhammaystiran oo ragga iyo dumarka ah iyo weliba dheeraad; ay ka mid tahay in loo xoroobo jidh ahaan –galmo gudashada.
Simone de Beauvoir waxay ka mid ahayd shakhsiyaadkii ugu saamaynta badnaa ee dhaqdhaqaaqan soo mara. Waana qofka farta lagu fiiqo ee jaangooyay yoolalka mawjadda 2aad iyo hal-kudhegyadooda. Kitaabkeeda “The Second Sex” ee soo baxay 1949, sooyaal dhaadhigu waxay ku tilmaamaan inuu yahay hagaha iyo shiidaaliyaha mawjadda labaad. Simone, kuma qancin raadinta sinnaanta ragga iyo dumarka, waxay ku adkaysatay baahidaa loo qabo colaadinta ragga iyo ka kaaftoomiddooda. Waayo, bay leedahay, hannaanka isku xidhka ragga iyo dumarka ee “guurku” xoriyadaha ayuu dumarka ka xaddidayaa, oo waxa uu ka dhigayaa hanti ninku leeyahay, qaanuun iyo diinna dabada ayuu la gelayaa, oo xeer-ciqaabeedyo ayaa jira, sidaa darteed nidaamkaa dumarka xoriyadda ka qaadaya waa in la suuliyaa ayaa dooddeedu isugu biyo shubanaysaa!
Kitaabkeeda waxay ku tidhi, “kaalin kasta oo soo jireen ah oo gabadhu qaban jirtay waa in la diidaa, waayo, haweenku hooyonimada iskama dhex heliyaan (in ay hooyo noqdaan iyo inay haween rag iska celiya noqdaan isku helimaayaan), hooyonimadu uma furimayso irrido mustaqbal ifaya, waa uun hawlo ruutiin ah oo dumarku abidkoodba soo samayn jireen. Dhallaan dhaliddu dunidan wax ku soo kordhinmayso, noloshuna kuma ekaan karto saxar tirka sariirta, waxaaasina waxa nafsad ahaanna noo cuntamaya oo aanu liqi karno maaha”.
Iyaba waa yaabe, Inkasta oo fikraddani ay baylihinayso tarmidda aadamaha iyo muhimadda barbaarinta ubadkaba labadaba, haddana sidii holac dureemo engegan helay bay galbeedka doc walba u xushay, si xamaasadaysaynna dhaqdhaqaaqa dumar-ragaynta ayaa u buunbuuniyay.
Godka lagu cadaab Maraykanad ah oo la odhan jiray Betty Friedan, iyana saaxiibaddeedaa Faransiiska ah waxay ku waafaqday in xaasnimada iyo gurijoognimadu yihiin hoogga ugu wayn ee haweenka haysta. Waxay hoosta ka xariiqday in dumarka xaasaska noqdaa ay diiqad, walbahaar, caasnimo, niyad jab iyo dulli oo dhan guryaha hoostooda la hoganayaan, oo ay u baahan yihiin mujaahidiin soo badbaadisa oo suuqyada keenta. Betty Friedan, waxay kaga dhex sheekaysay kitaabkeeda “The Feminine Mystique” sida ay ugu hugowday nolosheeda qaybtii hore ee ay u noolayd qaabka dumarnimo ee xaasnimo iyo dhallaan dhalid ahayd. Xilligaas oo ay si wayday, kaddibna ay go’aansatay inay xorowdo oo riyooyinkeeda la noolaato.
Habraha fallaagoobay ee dhaqdhaqaaqan calan-sidayaasha u ahi nuxurka nolosha (is-garawsiga nafeed) waxay ku koobeen manfaca maaddiga ah, oo gabadh kasta oo gabta inay manfacyada maaddiga ah raadsato waxay ku tiriyaan dadka dhoohan, dhiman, ee aan han iyo indhergaradnimo ba lahayn.
Gabadha ku qanacsan ee ku raalida ah inay qoyskeeda daryeesho, dhallaankeeda barbaariso ama go’aansata inay waalidkeed dayaca ka dugaaliso, waxay ku tiriyaan dadka garasho ahaan naafaysan ee aan caqligoodu ceeb-ka-saliim ahayn.
Gabadha aan Ilaahba badin inay xoogsi tagto, oo xadaafiirta shaqaalanimadu leedahay cid ka furta hesha-ciddaasi xaajigeeda ha noqdo, aabbeheed ha noqdo ama walaalkeed ha noqdo, ama hanti kayd ah oo iyadu leedahayba ha ahaatee- habrahani waxay u yaqaanaan inay tahay gurijoog qudhuntay oo noloshu deelqaaf ku tahay!
Friedan, waxay tidhi, “ma garan karo sida gabadh caqli leh ay suurtogal uga tahay inay ubad dhasho oo jeclaato, haddana ay doonayso inay nolosha kaalin macne leh ka gasho”
Mar kale waxay tidhi, “Gabadhu, haddii ay tahay mid nabdoon, xasilloon oo gurigeeda dhex joogta, ubadkeedu hareero joogaan, oo weliba xariir, dahab iyo jawharad ku lebbisata, xitaa xaaladdaa wax baa ka dhiman” –oo nolosha dhadhankeedii iyo xor noqoshadiibaa ka maqan.
Habartani waxay caan ku ahayd colaadda ay guurka iyo xaasnimada u haysay, waxana diiraddeedu saarnayd sidii ay uga takhallisi lahayd waxay u taqaanay xabsiga guurka ee dumar-ciilka ah, oo ay ku sifayn jirtay inuu yahay “Qafis la qurxiyay oo dumarku dhexdiisa ku meeraystaan!”
Dagaalka dumarka xumaaday ee xuquuq-dumar ku sheegga u gaylamaa ay ku hayaan seeska bulshada ka unkanto ee “qoyska” iyo sida ay ugu maadsadaan way ka simanyihiin. Germaine Greer, oo dumarka sheegan ee qaddiyadan gadhwada ka mid ah baa buuggeeda “The Female Eunuch” ku qortay, “Nolosha xaasnimada waxay ku salaysan tahay qallafsanaan iyo dumarka oo lagu dala’sado, laguna xaqiro, sidaa darteed waa waajib in nidaamka guurka la afgembiyo, oo lagu beddelo qaab nololeed kale oo aan gabadha ku qasbayn inay nin guri la degto, iyada oo xidhiidhka dhexmarayaana yahay mid qaanuun iyo xeer-ciqaabeedyo dabada ku haya”
Hadalladan sare iyo kuwa kale ee fikraddan muqaddaska u ahiba sida ay qirayaan qiddiyaddu xuquuqo asaasi ah oo rag dhacay dib looga soo dhicinayo way ka sal ballaadhan tahay, oo waxay gaadhsiisan tahay in nolosha aadamaha karaamadaa laga rifo, loo ekaysiiyo ta xoolaha.
Xorriyadaa ugu dambaynta xooloobidda u xuub-siibanaysa ayaa laga dhigayaa maqsadka nolosha oo dhani u adeegayso. Waa rabitaanka nafta oo laga dhiganayo ilaah la caabudayo oo la daba hashlaynayo!
Marka la isku soo xooriyo ujeedka ugu dambeeya ee dhaqdhaqaani doonayo inuu xaqiijiya waxa uu ku soo ururayaa: Ha ka fekerin maxaa suubban ama sillan, ha ka fekerin maxaa loo nool yahay iyo xaggee lagu danbayn, ha ka fekerin Ilaah laga talo qaato oo xeerar uu dejiyay la xeeriyo. Ku noolow nolol dhadhan leh oo aad iska dhex heli karayso, oo aad xor u tahay inaad samayso wax kasta oo aad niyaysato.
Falsafaddaa uskaga ah ma habboona in qof muslim ah oo iimansan in Ilaah nolosha lagu raaligelinayo, xagiisana loo noqonayaa inuu soo dhoofiyo oo dadka muslimiinta ah dhex keeno. Waayo waxay ka hor imanaysaa tiirarka Islamka tirka lafdhabarta u ah, oo ah in Alle keligiis la caabudo, qaddiyaddanina waxay siddaa dhanbaal leh “nafta iyo rabitaankeeda oo keliya ha la caabudo” haddaba Caroogyada kiraysan ee ciirta reer galbeed ka dhex hadlayso iyo kuwa ay sireen sida dadban suntooda u qaatay aynu iska yurayno oo nidhaahno, “Ilma-adeerayaalow, waxani anaga nama quseeyaane orda oo habrihii galbeedka jihaadka kaga jira la xoojiyo oo dumarka ragnimada bu’aya la rageeya, oo tashuushkiina naga daaya!
Khadar Faarax Siciid
Dalmartogdheer@gmail.com