Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inoo… (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Dalkeena waxa si weyn u aafaysay abaar aad u daran, taasoo magaceeda loo bixiyay Simma, oo macnaheeda loola jeedo in ay dad iyo duunyaba, baad iyo biyo aanay midna badbaadin, waayihii hore, markay adkaado, ee ay tan oo kale dhacdo, waxaa loo carari jiray xagga alle oo la weydiisan jiray denbi dhaaf, iyo raxmad, taasoo sidii alle laga arki jiray ay raxmad iyo naxariista alle furmi jireen, lkn, dadkaasi waxay ahaayeen dadkii wanaagsanaa ee xaaraanta iyo xalaashu u kala soocnaan jireen, oo ay baryadooda alle agtiisa  qiimo ku lahaan jirtay.

Sebenkan maanta, waxaa inagu yaraaday dadkii xalaal miiratada ahaa, waxaana inagu batay oo weliba fool-horaadka inoogu jira kuwii xalaal quudatada ahaa, oo iyagii ku baaqaya  roob doon, isla markaana ah kuwa iyagu ducaynaya, diinteenuna waxay inoo sheegtay inaan alle waxba ka aqbalin qof waxa uu cunayo iyo waxa uu huwan yahayba ay xaaraan yihiin, waana sababtaas, ta ilaahay inooga aqbali waaayay ducada ina ka badan Salaadaha lix roob doonood oo aynu tukanay labo bilood gudahood. Nasiib darro-na ismaynaan weydiin sababta, dib u xasuuso, salaaddii ugu danbaysay ee roob doonta ahayd ee aynu tukanay maalintii khamiistii oo ku beegnayd 22/12/2016, maxaa dhacay? Iyadoo cirku uu godlan yahay, oo ay muuqdaan jewi roobeed, oo ay cirkana daruuro xidheen, waxoogaa shuux ahina jiraan meelaha qaar, ayaa la tukaday salaadaas roob-doonta ahayd, taasoo jawaabteedii noqotay in daruurihiiba kala yaacaan.

Gunaanadkii, anigu waxaan ku talin lahaa, inaynu wadiiqo taas ka gedisan qaadno, oo ah in caruurta malcaamadaha iyo dugsiyada hoose dhigta ee aan qaan-gaadhka ahayn, ee aan denbiga lahayni ay usoo baxaan dariiqyada, iyagoo socod ku maraya jidadka magaalooyinka, madaxana ku sita looxaantooda iyo kutubtooda, ilaahayna ka baryaya roob kheyr qaba iyo raxmad inuu inoo shubo, dadkeena waaweynina aynu fursad siino baryadda caruurta iyo aqbalaadda alle, oo aynaan ka shaansheynin, mar haddii lix goor oo hore baryadeenii  rabbi inaga aqbali waayay, illeyn camalkeenii aragnaye, si gaar ah, waa in kuwa ah madaxda dawladda iyo ganacsatadu aanay ugu lug yeelan roob doontaas ay caruurtu samaynayso, oo ay caruurtaas iyo allahooda isku eegaan, waxaa la arkaa in rabbi iyaga inoogu denbi dhaafo oo baryadooda aqbalo’e.

Wa  Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com