Casharrada ku jira buugga -“๐„๐ฆ๐จ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ž๐ง๐œ๐žย  …W/T:(Kamaal Marjaan)

8. Markasta oo garaadkaaga caadifiga ahi kobco waxaa kordhaya hal-abuurkaaga, shaqo wanaaggaaga iyo waxsoosaarkaaga shaqo.

9. Maadaama oo aynnaan caadifaddeenna ka xoroobi karin, mar kasta oo fariidnimadeenna caadifadeed kobocdo, waxaa kordha tayada nolosheenna. Maamulaha guulaystaa waa ka xariifka ku ah Maaraynta dareenkiisa caadifiga ah, taasina waxa ay ku iman kartaa oo keliya in marka hore uu dhiso fariidnimadiisa caadifiga ah (Emotional Intelligence)

10. Taliyaha ciidanku maqalka iyo adeecidda ciidanka kuma helo in uu amaro toos ah uun dusha kaga keeno. Koox ama wadar kasta oo aad maamushaana waa la mid oo si fudud amar toos ah uguma hawlgelin kartid.

Waa in aad fahamto dareenka cidda aad hoggaaminayso, iyo heerka uu xiisahoodu joogo. Waa in aad samaysaa hannaan aad ku dhiirrigelinayso shaqada, sida ay taasi kuugu suurtagelaysaana waa in aad si sax ah u adeegsato fariidnimadaada caadifadeed.

Hoggaaminta macnaheedu maโ€™aha in aad adigu maskaxda qofka qabsanayso iyo ku amar ku taaglayn, balse waa in aad leedahay karti aad dadkaaga ku jihayn karto yool guud, kuna qancin karto in ay aaminaan in ujeeddada ay u socdaan ay run tahay.

Hoggaamiyeyaasha guulaystaa waa kuwa awood u leh in xiisaha iyo dardarta ay dadkoodu qabaan ay noqdaan kuwo muddo dheer jiri kara, waa in aad abuurto xaalad ay iyagu xiisaynayaan in ay qabtaan hawshan, niyadjabkuna uu ka dheeryahay.

Sida keliya ee aad hawlahaa kaga dabbaalan kartaana waa in aad adigu marka hore xoojiso fariidnimadaada dareen (EI)

11. Marka ay fariidnimadaada dareenku ay sarrayso, si fudud ayaa aad naftaada ugu tababari kartaa in ay si fiican u fahamto goorta iyo duruufaha ku keena dareennada kala duwan, sida cadhada, nacaybka, jacaylka, farxadda, iwm.

Hadba dareenka aad qaadanaysaa waxa uu ku xidhan yahay sida ay naftaadu u turjumato dhacdooyinka, hadallada iyo duruufaha ka hor imanaya. Sidaas awgeed dhismaha fariidnimada dareenku waxa ay kaa caawinaysaa in fahamkaagaasi uu noqdo mid togan. In aad ka adkaato dareennad aynu soo sheegnay, si kasta oo ay kaaga hor yimaaddaan duruufo keeni kari lahaa.

12. Fariidnimada dareenku waxa ay inna baraysaa in aynnu kala saarno dareenka aynnu qabno iyo hawsha ay tahay in aynnu qabanno ama tallaabooyinka ay tahay in aynnu qaadno. Waa in aad qaban karto waxa ay tahay in aad qabato, iyada oo aanu saamayn kugu yeelanayn dareenka aad qabtaa.

Guusha waxaa gaadha dadka aan dareenkooda isu dhiibin, si kasta oo uu dareenkooda ama fikirkoodu uga duwan yahay waxa ay qabanayaan. Sida taas lagu gaadhi karaana waa in la dhiso fariidnimada dareen ee qofka, weligaa iska jir in dareenkaagu saamayn ku yeesho falalka aad samaynayso.

13. Wax kasta oo aynnu qabanayno laba dareen mid ayuun baa aynnu ku eegnaa, waa dareen maangalnimo ku dhisan oo arrinta maskaxda soo marinaya, iyo dareen qiiro iyo caadifadeed oo aynnu odhan karno qalbiga ayaa uu soo maraa. Dhibaatada ugu weynina waxa ay tahay in dareenka caadifiga ahi uu ka dhaqso badan yahay dareenka maangalnimada ku dhisan.

Si degdeg ah oo aan ku talagal ahayn ayaa uu dareenka caadifiga ahi isaga iman karaa, sidaas awgeed waa in aad dhisto fariidnimadaada dareenka, si ay kaaga ilaaliso in marka aad xaaladaha qaar la kulanto uu dareenkaaga caadifiga ahi ku khiyaameeyo oo hadallo aan haboonayn aanad odhan ama ficillo xun ku kcin.

 

DHAMMAAD

 

Waxa Turjumay:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com