DHIBCAHA IYO DERAJADA IMTIXAANKA

 

Waa Xaqiiq in isaga oo Ardeygu meelo badan oo kale ku fiican,hibooyin badan oo kalena leh haddana lagu qiimeeyo hadba dhibcaha uuu ku baxo ama ka keeno imtixaanka.Markaad Aragto Ardey dhibco imtixaan uga hadhaya fursado u bannaana iyo kuwo ugu soo baxayaba waxaad ogaaneysaa sida dhibcaha iyo derajooyinku ay ardeyda u madax-mareen ugana fekiraan.”Toddobaadyadii horre waxaan la kulmey ardey Siyaabo kala duwan Dhibcoย  iyo buundooyin ka maqan u raadineysa,kuwaasi oo deeq waxbarasho oo ay ku Joogaan jaamacaddu ay ku xidhan tahay GPA-ga celclis ahaan u soo baxa.

Maanta somaliland Kalsoonida Ardeygu waxa ay ku xidhan tahay hadba inta natiijo ama dhibco uu imtixaanka ka keeno,si kasta oo aaney u fahmin waxa loo dhiggey ama aanney ula soconba haddii wakhtiga imtixaanka ay hellayaan dhibcaha ay rabaan kalsoni kale Ayey heystaan.inta lagu faano fahankaย  iyo ku xidhnaanta waxbarashadda fasaladda in kaย  badan ayuu ardeygu maanta natiijooyin buuran oo aanu aqoonteeda laheyn ku faraxsan yahay.

Ardeyda Deeqda Waxbarashoย  u jooga jaamacaddaha iyo dugsiyada Gaadhida Dhibcaha laga rabo, si maal-gelintu ugu socoto waxa ay ku heysaa wer-wer iyo isku buuq badan oo cabsi leh,kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ahi ay semester kasta lumiyaan ka sii mid ahaanshiyaha ardeyda deeqda waxbarasho u socoto,halka kuwo badan oo kalena ay waxbarashada iska xidhaan marka ay heerka dhibcaha dedaal ee ardeynimo xejisan kari wayaan wakhtiyo si xidhiidh ah isugu xigga.

Waxbarashaddu markii ay ganacsi noqotey qiimihi saxda ahaana ay lumisey bulshada dhexdeeda in ardeygu dhibco aanu shaqeysan iyo kuwo uu shaqeystey intabaย  raadiyaa waa mid imaneysa.isku buuqa iyo werwerkaa joogtada ah ee ardeyga ka heysta in uu dhaco ama waayo dhibco uu ku baaso,uguna gudbo heerarka sarre waa kuwo ardeyda qaarkood dhexal-siiya in ay go,aano khaldan qaataan oo ay nafta is dhaafin karaan.Go,aan qaadashada aan wanaagsaneyn ee ardeyda qaarkoodnaย  waxa si baahsan uga dhashaย  falal anshaxa ka baxsan dhanka kale kuwaasi oo ay ardeyda qaarkoodย  ku talaabsan wakhtiyada ay natiijooyinka rabaan sida in ay macallimiinta ama xafiisaadka aflagadeeyaan.

In ardeygu imtixaanka uga baqo natiijada uga soo bixi doonta waa mid Somaliland lagu arkey, Dhanka kalena Waalidkuna ay ardeyda ku qiimeeyaan dhibcaha ay ka hellaan waxbarashadda taasi oo haddii ay dhacaan cannaan iyo niyad-jab intaba ardeyga loogu geysto.imisaan derajo ku tartaney wakhtiyadii dugsiga aan ku jirney maantana kuwii ugu hooseyey ay ka nolol iyo hanti badan yihiin kuwii ugu sarreeyey.

ugu Danbeyntii Ardeydii wahsi iyo caajis dhanka dedaalka iyo wax akhriska ah ayaa saaran kuwaasi oo haddana raba natiijo fiican.Waxbarashadu akhlaaqda,dabeecada,hal-abuurka iyo tayooyinka badan ee qofnimo ayey dhistaa oo keliya dhibco iyo derajo kama shaqeyso ayaase dhanka kale fikirka isku dhaafiyaan.kiisas laba qof ah ayaa sannadkan shaacintii imtixaanka shahaadiga ah laga maqley oo u dhintey shaacintii imtixanka,xaaladani oo ah wax dunida kale ka jirta in ardey badani ay nafta is dhaafiyaan ayaa iyaduna u baahan in guri iyo dugsiba laga wada shaqeeyo si aaan kiisasku kor ugu sii kicin.

Abdifatah M.Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com