Madaxweynaha JSL oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic ay Hir-gelisay Wasaaradda Warfaafinta JSL

Qore; Cabdiwahab Dahir Xasan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalialand mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay wasaaradda Warfaainta JSL ku hir-gelisay muddo 11 bilood ah, sidoo kalena waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyay arday dhammaysatay barashada Saxaafadda oo ka qalin-jabiyay Machadka Tababarka ee Wasaaradda.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalialand mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay xarunta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-glinta kadib markii uu xadhigga ka jaray mashaariico kala duwan ayaa la dardaarmay saxafiyiinta iyo warbaahinta dalka, waxaanu ku boorriyay in ay xil iska saaraan gudashada waajibaad-kooda shaqo iyo wararka ay bulshada la wadaagayaan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalialand mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey 23 Saxafi oo bartay aqoonta saxaafadda, isla markaana ka qalin-jabiyay Machadka Tababarka Saxaafadda oo ay asaastay Wasaaradda Warfaafinta, Ddhaqanka iyo Wacyi-galinta, Machadkaasi oo madaxweynu si rasmi ah xadhigga uga jaray.

Madawaynaha ayaa la dardaarmay saxafiyiinta muddada afarta bilood ah qaadnayay mihnada saxaafada, waxaanu madaxwaynuhu carrabka ku adkeeyey in cilmiga warbaahinta ee ay barteen laga rabo in ay bulshada ugu adeegan, isla markaana ay ku difaacan qaranka, warka ay tabinayaana uu noqdo mid waxtar u leh bulshada kana fogaadaan wararka isku dhaca keenaya.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi โ€œWaxaa waajib ah, da, kasta ahaw, aqoon kasta lahaw, mar hadaad makarafoonka ka hadlayso oo codkaagu dadka oo dhan gaadhayo, masuuliyada Sheekh Dirir saaran mid leeg ayaa ku saaran If iyo Akhiraba. Qor ama hadal masuuliyad ayaa ku saaran, masuuliyada Rag iyo Dumar ba saarani ma sahlana, Waxaan rajaynayaa in aad noqotaan qaar codkoodu meel fog gaadho oo la xusoโ€.

Tababarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa bixinayay macalimiin khibrad durugsan u leh barashada mihnada saxaafada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Professor Daahir Maxamuud Xaddi, Faysal Fadhfadhle, Cabdillaahi Wayab, Xuseen Jaamac (Xagar) iyo Axmed Faaโ€™s. Sidoo kale saxafiyiintan ayaa ka kala socday warbaahinta dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Gabagabadii, wasiirka Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa madaxwaynaha la wadaagay mudada gaabnayd ee uu joogay wasaarada iyo wax yaabaha u qabsoomay oo ay ka mid yihiin hir-galinta Machadka Tababarka saxaafada oo ay 23kii saxafi ee ugu horeeyey ay dhamaysteen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta JSL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ah ruugcadaa saxaafadeed ayaa isaguna dhankiisa madaxwaynaha uga warbixiyey isla markaana sheegay in hirgalinta machadka tababarka saxaafadu uu ku yimid goโ€™aan iyo wadatashi ay yeesheen masuuliyiinta wasaarad warfaafinta iyo boodhka kuliyada macalimiinta oo ah rag aqoon dheer u leh mihnada saxaafada, midho-dhalkeediina maanta ay hayaan.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com