Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Madaxwaynaha ku Boggaadiyay Dhiiri-galinta Saxafiyiinta Wax Bartay

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wayigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Maxamed Xasan, ayaa madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uga mahad celiyay sida uu u dhiirigaliyay 23 suxufi kuwaasi oo ka aflaxay machadka tababarka Suxufiyiinta ee Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ka hadlay tababarka machadkan oo dufcadii u horreysay ee madaxweynuhu shahaadooyinkoodii gudoon siiyay, waxaanu yidhi

โ€œMadaxwayne, waxa farxad noo ah in aan kugu soo dhawayno Machadka tababarka Suxufiyinta oo wasaaradda Warfaafinta ka tirsan oo shan bilood ka hor halkan wasaaraddu ka furtay oo xaflad weyn loo qabtay oo dufcadii u horraysay ee Basic Journalism-ka baratay ay ka qalin jabisay oo maanta aynu shahaadooyinkii gudoonsiinayno.โ€

โ€œAad iyo aad baanu ugu faraxsan nahay in aad nagala soo qayb gasho, ardayda iyo wasaaradda oo dhan sharaf bay u tahay in madaxwaynuhu kala soo qayb galo,โ€ ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirku wuxuu xusay in Suxufiyiintii waayo araga ahayd ee wasaaraddu ay macalimiin iyo maamul ka yihiin machadkan, waxaanu yidhi โ€œMadaxwayne, waxa wax ka dhiga machadkan Jaaciyiinta ugu aqoonta badan dalka dhinaca Saxaafadda ee ugu waayoโ€™aragsan oo dhammaantood halkan inala jooga, kuwaasi oo uu guddoomiye u yahay Prof. Xaddi oo isaga iyo Wayab aad isku ahaydeen raggii aad Cammuud ka soo wada baxdeen, waxaan runtii ah in aqoontii iyo waayoโ€™aragnimadii ku duugnayd ay dhalinyaradeennii uga faaโ€™iideyeen.โ€

Wasiirku wuxuu ammaanay Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud oo uu tilmaamay inay bud dhig u ahaayeen aasaaska machadkan oo midhihiisii u horreeyay hadda aflaxeen.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com