Maalmahan oo kale Falastiiniyiinta iyo inta badan ee dunida jecel iska caabbinta cadaawuhu, waxa ay xasuustaan halyeeyadii dabka u shiday halganka hubaysan ee Falastiiniyiinta.

Maalmahan oo kale Falastiiniyiinta iyo inta badan ee dunida jecel iska caabbinta cadaawuhu, waxa ay xasuustaan halyeeyadii dabka u shiday halganka hubaysan ee Falastiiniyiinta.

Rag tiro iyo magacdhaw lagu soo koobi kara ma aha, maanta se waxa aan gaar u xusayaa halgamaagii xogta ee geesinimadiisa gacal iyo nacabba qireeen. Waa Cali Xasan Salaama, ama aynnu nidhaahno ‘Amiirka Cas’ sida ay haweenaydii Raysalwasaaraha u ahayd Israa’iil ugu yeedhi jirtay.

Aqoon kasta oo uu u leeyahay, waa uu yaryahay ruux yidhi Cali Salaama shakhsiyaddiisa waan aqaannay, cidda soo dhoweysay waxa ay ku sheegtay, ‘nin aan la malayn karin qofnimadiisa, waxa uu maagganyahayna la saadaalin karin’.

‘Biid’ labbiskii xilligiisa kii ugu xarragada badnaa xidha, quruxda qaab-dhismeedka jidhkiisa muhiimad gaar ah siiya, agtiisana aan haween laga waayin buu ahaa. Markaasay dad badani ku tilmaami jireen duuflaal aan mudnayn in ceesaan luntay la weydiiyo. Saa haddana waa aqoonyahan ku hadla afaf badan, waxa aanu iska lahaa hay’ad sirdoon oo caalamiya oo goorta ay doonto, halka ay doorasto hawlgal ka fulin karta. Xitaa waxa uu rag ku dhex lahaa sirdoonka Israa’iil. Waxa uu ahaa nin ay ka buuxaan isdiidooyin ay ugu yartahay in uu ahaa nin dhiirran oo ku kaca fal kasta oo laga filayo in geerida uu soo dedejinayo, haddana nolosha jecel oo ku raaxaysiga adduunka maan iyo maalba geliya.

Waxa uu lahaa tilmaam kasta oo lagu higsado hoggaamiye sirdoon, aqoonsiga wejigiisa oo keliya ayaa ay Israaiil tobannaan sanno raadinaysay, adduun iyo rag ku qaaliyana ku weyday.

Haddii geesinimada iyo gobannimo jacaylka la iska hidde raaco, Amiirka Cas kaalmaha u horreeya ayaa uu ka gelayaa inta dhaxashay hidde-sidahaas, ‘Curadkaaga oo ku raacaa waa kuu hiiliyey’

Waxaa dhalay Sheekh Xasan Salaama oo halganka bilaabay, ka hor intii aan laguba dhawaaqin dawladda Israa’iil. Isaga oo da’ yar ayuu ku biiray unug ciidamada dallaayadaha ku booda ee Jarmalka ahayd, taas oo loo diray qorshe sirdoon oo Jarmalku uu doonayey in uu sun ku daro ilaha ay biyaha ka hesho magaalada Talaabiib. Jarmalku, Ingiriiska dhulkaas joogay ayaa uu u dan lahaa, laakiin Sheekh Xasan Salaama waa uu yaqaannay cidda ay isaga hayaan iyo halka ay joogto.

Hawlgalkaasi waa uu fashilmay, qaladaad dhinaca Jarmalka ka dhacay awgood, unugtiina waxaa laga dhigay wax la dilay iyo wax la qabtay, laakiin Xasan Salaama waa uu badbaaday oo buuraha Qudus ayuu muddo dheer ku dhuumaynayey kelidii.

Haddana mar kale ayuu sannadkii 1947 kii ka mid noqday dhimbiilihii huriyey halgankii jabhaddii la baxday ‘Halganka barakaysan’, waana halka uu ugu dambayntii ku dhintay 1948 kii.

 

FG:

1. Labada sawir ee hoose waa sheekh Xasan Salaama oo mid ka mid ah uu saaranyahay faraskiisii halganka, qorigiisiina sito sannadkii 1936.

2. Sooyaalka xiisaha leh ee Cali Salaama, waxa aad kaga bogan kartaa buuggayga ‘Amiirka Cas’

 

 

Waxa turjumay :Kamaal Marjaan Bandhige@gmail.com