Waxaa munaasibadaas ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili,Wasiir xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed,xildhibaan Khadar Cali Xakiin, Xildhibaan Axmed Fanax iyo Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Ibraahim Ismaaciil Cali.
Ugu horayn waxaa masuuliyiintu salaan sharaf ka qaateen ciidamada tababarku u soo xidhmayay.
Bilowgii waxaa halkaa ka hadlay soona dhaweeyay weftigan masuuliyiinta ah taliyaha ciidanka Dab-demiska JSL sareeye guuto Axmed M Xasan Sawaaxili, waxaanuu ka waramay marxaladihii ay soo mareen ciidankani iyo tababarada kala duwan ee ay qaateen, isagoo taliyuhu kula dardaamay ciidankaas inay heegan buuxa galaan markay tagaan degmada Maydh, sidoo kale shaqada ku dabaqaan tababaradaa ay qaateen.
Dhankooda waxaa halkaa ka hadlay labada xildhibaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada arrimaha gudaha, kuwaas oo ku bogaadiyay taliyaha ciidanka Dab-demiska iyo ciidamadiisa shaqada nafhurka leh ee ay u hayaan Qaranka, waxaanay sidoo kale soo dhaweeyeen horumarka baaxada leh ee xukuumadu ka wado gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Maydh.
Ugu dambayn waxaa munaasibadan soo xidhay Wasiir xigeenka Amniga ee wasaarada Arrimaha Gudaha, waxaanuu bogaadiyay jananka ciidanka Dab-demiska iyo horumarka baaxada leh ee ciidanku sameeyay mudadaas, kuna gaadhay guud ahaan gobolada Somaliland iyo degmooyinka. wasiirka ayaa la dardaarmay ciidankaas, kuna dhiirigeliyay in shaqada qaranka ku qabtaan daacadnimo iyo karti.
Dufcadan ayaa noqonaysa tii Sagaalaad ee ciidanka Dab-demiska, halka ay ka noqonayso dufcadii Labaad ee degmada Maydh, waxaana ciidamadani dhawaan si toosa uga hawlgali doonaan Degmadaas.