Ceebaha iyo Caqabadaha Haysta Garsoorka Somaliland (WQ: Jibril Jirde).

“Wakhtiga keliya ee dadka badankooda ay ka fikiraan caddaalad darrada waa marka ay ku dhacdo iyaga” Charles Bukowski.
Nidaamka garsoor ee Somaliland waxa uu la kawsaday wakhtigii dalka dib loogu soo noqday, waxaa uu na sameeyay kobac marka la eego halkii uu ka yimid, walow labada dhadhaar ee xeerdejinta iyo fulintu ay ka horumarsan yihiin.
Guddoomiyayaashii soo maray maxkamadda sare mid waliba wax-qabad ayuu soo kordhiyay xumaan iyo samaan ba, walow bulshadu mar walba kaslooni liidata ay ku qabeen maxkamadaha, balse markii uu yimid guddoomiyaha waktigan ee Aadan X. Cali oo ah aqoonyahan bulshada ku dhex jiray, macallin iyo cilmi-baadhe in badan xusi jiray dhibaatooyinka haysta garsoorka iyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka, ayay bulshadu si weyn ugu dhiiratay maxkamadaha iyo nidaamka caddaaladeed ee jira markii uu xilka qabtay, in kasta oo filashadii bulshadu aannay noqon mid wada dhabawda.
Ugu horreyn mabaadiida Banglore ee dhaqanka garsoorka (THE BANGALORE PRINCIPLES OF JUDICIAL CONDUCT), bal aynnu ku miisaanno garsoorka Somaliland, si aan u ogaano heerka garsoorkeenna iyo halka uu gaadhsiisan yahay:
1. Madaxbannaanida (Independence): Sida uu xusayo Bangalore Principal, garsooruhu waa in uu haysto madaxbanaani shakhsi ahaan iyo hay’ad ahaan ba, marka dalkeenna la barbar dhigo, ma jirto madaxbannaani loo riyaaqi karo. Dhaqaale ahaan ma madaxbannaana, dhanka go’aan ka gaadhista dacwadaha na wakhtiyada qaar cadaadis iyo dano is-barkan ayaa jaangooya.
2. Dhexdhexaadnimada (Impartiality): Waa in uu garsooruhu u guto waajibkiisa, isaga oo aan cidna u eexanayn, cid gaar ah garabka saarayn, cidna aan ku xadgudbayn, waana in uu raaco habdhaqankaas inta dacwaddu socoto iyo go’aanka ba. Hab dhaqankan ma badna garsoorayaasha ku dhaqma, waana sababta aad u la kulmayso garsoore qof dacwadda dhinac ka ah ama qareen dacwadda dhinac ka ah la fadhiya, wax la cunaya, la qayilaya ama raacayaba iyada oo aannu dacwaddii go’aan ka soo saarin, waana sababta walwalku u haysto mar walba dadka dacwadaha ku leh maxkamadaha.
3. Daacadnimada (Integrity): Garsooraha dhaqankiisu waa in uu ka sarreeyo wax uu malaysan karo shaksiga macquulka ahi, waana in hab dhaqanka garsooruhu kor u qaado aamminaada dadka ee garsoorka, balse dhaqanka garsoorka Somaliland waa mid liita, waana mid gaadhsiisan in garsoorayaasha qaarkood ay cay iyo cago-juglayn u quudhaan eedaysanayaasha dacwadda dhexdeeda, xuquuqdooda na ka duudsiyaan. Runtii waa mid yakhyakhsi leh.
4. Miisaamidda/ habboonaan ( Propriety): Miisaamidda waxay muhiim u tahay hawl gudashada garsooraha, waana in uu garsooruhu ka fogaado in uu u muuqdo mid dan gaar ah leh, cid u eexanaya ama aan dhexdhexaad ahayn, sidoo kalena ku sifoobo shakhsi sharaf leh oo dhawraya sharaftiisa iyo tan xafiiska ba,
5. Sinnaanta (Equality): Xaqiijinta in si siman loola dhaqmo dadka maxkamdaha hortooda. Sinaanta waxa qayb weyn ka ah in garsooruhu isku si ula dhaqmo una dhagaysto dhinacyada dacwaddu ka dhaxayso, mana dhacdo mararka qaar, balse ahmiyad ayaa la kala siiyaa. Miskiin ayaa misko la fuulo leh, ayaa ka shaqaysa maxakmadaha dalka, waayo? Maalka, manasabka iyo magaca aya saamayn weyn ku dhex leh maxkamadaheenna.
6. U qalmidda (Competence and Diligence): U qalmidda dedaal ahaan iyo karti ahaan waa shuruudaha ugu waaweyn ee ka hawlgalidda xafiis garsoor, laakiin kuwa badan ayaan u qalmin garsoorka aqoon ahaan, xirfad ahaan, akhlaaq ahaan iyo karti ahaan intaba.
Marka aan ku miisaanno garsoorka dalkeenna mabaadiida Banglore waxa inoo soo baxday in garsoorka dalkeennu fadhiid yahay, aanu gaadhsiisnayn heerkii looga baahnaa, u qalmin in uu dad u xaqsoore, sababi karo isku dhac bulsho iyo burbur. Waxa sababta u weyn ah in aan ceebaha garsoorka la isku dayin la hagaajiyo, boogihiisa aan la dhayin, galdalooladiinsana aan la gufeyn.
Waa maxay caqabadaha iyo ceebaha haysta garsoorka Somaliland ee indhaha laga laliyo goor walba?
• Sinnaan la’aan, garsoorka hortiisa dadka magaca iyo maamuuska leh dacwadahooda hore ayaa loo dhaqaajiyaa, qofka ay dacwad ka gudbiyaanna hore ayaa loo soo xidhaa, iyada oo mararka qaar sharciga looga tallaabsado marxabaysiintooda awgeed.
• Garsoorayaasha qaar badan oo ka mid ah uma qalmaan inay ka mid noqdaan ama ay ku jiraan garsoorka dalka aqoon ahaan, asluub ahaan iyo dhaqan ahaan ba.
• Magacaabidda garsoorayaasha oo waayadan dambe lagu xulayay qabyaalad ama saami qaybsi beeleed oo aan meel na ka soo gelin helidda caddaalad dhammaystiran, halka wakhtiyadii hore aan tixgalin la siin jirin qofka garsoorka gelaya qabiilkiisa. Muhiimaddu na waa in aan garsoor ummadeed sal looga dhigin saami qaybsi beeleed.
• Isku milanka garsoorka iyo xisbiyada siyaasadda iyo ururada aan dawliga ahayn oo wakhtiyadan dambe heerkii ugu sarreeyay gaadhay.
• In muddadii u dambaysay garsoorka dalka lagu soo kordhiyay waddaado aan xeerarka dalka waxba uga bilawnayn, oo tababar iska dhaaf e’, aan haysan shahaadada koowaad ee sharciga (Bachelor of Law), taasina ay sababtay ku tumasho sharci iyo in garsoorku laf dhabarta ka jabo, waxa aanay ku sababi gaadhay dalka burbur kadib markii ay qaarkood xaasaskooda ka fureen xubno ciidanka qaranka ah oo jiidaha hore ku sugan.
• In aan weli la samayn xeerkii xuquuqda garsoorka.
• Xaqa tababarada oo aanay garsoorayaasha iyo xeerilaaliyayashu si siman u wada helin, balse xubno gaar ah ayaa ku noq-noqda tababarradda dibedda, iyada oo laga yaabo in dhawr qof ay ku noqdaan tababaro isku mid ah, oo aan fursad la siin xubnaha kale ee garsoorka.
• Garsoorayaasha qaarkood oo haya xil heer maamul ayaa qaata fasax ka baxsan xeerka, taas oo adhaxda jabisa shaqada garsoorka guud ahaan, gaar ahaan xafiiska uu masuulka fasaxa aan sharciga waaqafsanayn qaatay ka hawl galo.
• Garsoorayaasha ku adag xeerka ee ilaaliya xuquuqda eedaysanaha, gaadhana go’aan ku sallaysan dhexdhexaadnimo iyo daacadnimo, isaga oo aan cidna xeerinayn/u eexanayn, waa laga ilaaliyaa dacwadaha ciqaabta ah, cakiskeedana dacwadaha fulinta iyo madaniga ah ayaa loo miisaa.
• Habka qoraalka dacwadaha (Drafting) oo aan sharciga waafaqsanayn.
• Nidaamka caddaynta oo liita, garsoorayaasha qaarna aanay marin ba hannaanka caddaynta dambiyada si aan shaki ku jirin (Beyond a reasonable doubt), balse ay ka duudsiyaan ba xuquuqo badan qofka eedaysanaha ah sida xaqa uu ku weydiinayo markhaatiyada ku lidka ah su’aalaha gudban (Cross-examination).
• Nidaamka isla xisaabtanka oo aad u liita (low accountability), haddii aad doonayso in aad garsoore ka cabato, ma jirto meel aad u cabato ama cid cabashadaada wax qabanaysaa, mana jirto hay’ad uu garsooruhu ka waabto oo la xisaabtanta.
• Saddex garsoore ayaa mararka qaar wadaagaya hal xafiis, taasina waxay hoos u dhigaysaa xafidnaanta dacwadaha iyo hawl maalmeedka caadiga ah.
• In muddaynta dacwadaha ay baajin iyo dib u dhigis ku curyaamiyaan qaar ka mid ah garsoorayaashu, iyada oo eedaysane saldhig ama xabsi ugu jiro.
• In eedaysanayaasha xukuman ee racfaanka u qaata maxkamadda sare ay dhacdo in wakhitada qaar ay dhammaystaan xukunkooda ka hor intii aanay maxkamadda sare dhageysan dacwadooda, waana mid ka mid ah dhabar jabka ugu weyn ee haysta caddaalada dalka.
• Garsoorka dalku guud ahaan ma lahan xarun lagu tababaro (Judicial Training Center), iyada oo muddadii u dambaysayna la joojiyay tababarkii garsoorka, iyada oo baahida ugu weyn loo qabo in la helo xirfadlayaal ka hawl gala garsoorka.
• Maxkamadda sare qaybteeda caddaaladda oo aan weligeed shaqayn, waana ceebaha ugu weyn ee dalka haysta, waana sababaha keenay sii badashada iyo ku faanista musuqa ee dalkeenna.
• Nidaamka cashuuraha ee maxkamadaha qaarkood ma aha kuwa sharciyaysan.
• Go’aanada garsoorka, gaar ahaan dacwadaha Madaniga ah oo aan badankooda la fulin, balse ku dhigan oo keliya waraaqaha.
• Nidaamka shaqaalaysiinta kaaliyayaasha iyo shaqaale hoosaadka garsoorka oo muddadii ugu dambaysay u xuubsiibtay qabyaalad, nin jeclaysi iyo eexaysi.
• Shaqaalaha garsoorka oo badhkood u xaadiraan mushar iyo gunno, halka kuwa kale oo xafiisyada kala hawl gala oo qabta shaqo la mid ahina aanay mushar qaadanin.
• Nidaamka xog ururinta (Data collection) iyo hab maamulka dacwadaha (Case Management), oo ah hab qadiimiya, walow guddoomiye Aadan X. Cali uu isku dayay in uu casriyeeyo, weli si dhab ah ugama aanay hirgalin maxkamadaha dalka.
• In qareenada ku adag sharciga, una taagan ilaalinta xuquuqada aadanaha iyo difaaca xaqa muwakilkooda ? iyaga oo aan cidna uga habranyn lagu soo rogo xayiraad dhanka socodsiinta dacwadaha oo dacwadahooda hoosta la dhigo, waana sababta had iyo jeer kelifta in ay qareenadu ku dedaalaan la saaxiibidda garsoorayaasha iyo hawl wadeenada kale ee maxkamadaha si aannay shaqadooda u waayin ama u wiiqmin.
Kuwani waa caqabadaha iyo ceebaha dul hoganaya garsoorka dalkeenna ee ugu mudan in wax laga qabto, balse aan marna lagu soo hadal qaadin shirarka looga tashanayo arrimaha garsoorka ee indhaha laga laliyo, waana ta keenaysa in aan laga bixin xaaladdan ee ay ka sii darto, waa sida nabar guudka laga dhayay oo hoosta ka caabuqaya mar walba, keeni doontana burbur illayn Rag caddaalad waayaa, sidii cawsha kala yaacye. In aan ogaanno ceebteenna dabadeedna aan ku dedaalno in aan ka gudubno, waa mid ka mid ah hababka horumarka lagu gaadho, inta aynnu se ka indho qarsanayno horumar iyo hiigsigii innaga dheer, waana sababta aan halkan ugu soo bandhigay.
Haddaba, muxuu soo kordhay garsoorka sannadihii u dambeeyay? Shaki la’aan waxa soo kordhay wax badan se waa dhibic badweyn dhex gashay (A drop in the ocean), oo waxa dhiman ama la tabayo ayaa ka badan mar walba. Waxqabadkuna na ma aha wax la xayaysiiyo ama mudan in lagu faanfaano, maadaamo oo uu yahay waajib saarnaa oo ay guteen.
“Wakhtiga keliya ee dadka badankooda ay ka fikiraan caddaalad darrada waa marka ay ku dhacdo iyaga” si aynaan odhaahdaas ugu sifooban dhammanteen aan u istaagno caddaaladda aanan ka fikirno wakhti walba, haddii uu muhmal kaa galo xogtaydan na fadlan booqo saldhigyada iyo xabsiyada keliya waxa aad ugu tagi doontaa, qof waayay masuul iyo maalqabeen ka saara, waana meesha kuu xaqiijinaysa miisaanka caddaaladeed ee dalka.