Berigii aanu akhriska iyo qoraalka ka shaqayn jirney baanu qaraar ku gaadhnay inaan siyaasiyiinta lugu soo casuumin xafladaha bandhigyada buugaagta ama madalaha aqooneed ee aanu qabanno. Go’aankii baa la rogrogey, oo haddii wasiir iska yimaaddo miyaa loo diidayaa mikrifoonka ayaanu is waydiinay. Waxa kale oo aanu iswaydiinay, haddii qof mansab siyaasadeed wataa si uun wax ugu darsado xaflad ama madal aqooneed oo aynu agaasinnay, isna miyaynu iska aamusinnaa? Maya ayay noqotey. Xalkii haddaba muxuu noqday? Wuxu noqday inaanu madalaha ku casuunno siyaasiyiinta balse aanay wax siyaasad ah ka hadlin ee ay ujeedada madasha uun abbaaraan. Taas baanu kula shuruutami jirney, oo xeer noo noqotey berigii danbe muddana aanu ku tamarinay.
Aan u soo gondadagee, saaka jaamacadda Hargeysa waxaa ka qalinjebinayey ardaydii u badnayd sannadadan ee la qalinjebisa jaamacadda. Waxa la isugu yeedhay oo casuumad loo fidiyey siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafadba leh. Madaxweynaha qaranka ayaa ugu mudnaa marti sharaftii halkaas joogtay. Ardaydaas kunka iyo labada boqol ahi waxa ay u baahnaayeen dhiirrigelin, bogaadin iyo in looga warramo mustaqbal iyo himilo fiican. Waxa laga filayay martidaas in looga warramo sooyaalkii suubbanaa ee hanaqaadka dalkan iyo dadkan. Sidoo kale, waxyaabaha u baahnaa in lagu boorriyo ardaydaasi iyo kuwa kale ee ka danbeeyaa waxa ay ahayd sidii looga bixi lahaa shaqo la’aanta baahsan, sidii aqoondarrada loo dabarjari lahaa iyo sidii ay ardaydani u noqon lahaayeen kuwo qaranka iyo ummadiisaba wax ku tara idam Alle cilmigooda.
Ma ay dhicin taasi. Waxa madashii ardaydu farxadda iyo yididiillada ku haysay lagu dul qabsaday muran siyaasiya, is dhalleecayn iyo weerar iyo weerar celisnimo. Waa halkii laga odhan jirey marka arrintu halkaas oo kale marto, “Waran waran ku taag”. Meeshaas iyo madashaasi ardaydii sugaysay in hankooda iyo dedaalkay soo bixiyeen looga mahadceliyo, dhegahooda wax aan fiicnayn baa ku soo dhacayey, waxaana dhacay jaarri iyo yooyootan aan natiijo lahayn. Haaraan iyo karahsi baa arday badan maanta ka muuqday oo ay kala kulmeen madaxdii madasha lagu soo maamuusay. Taasina waa dhib aad u weyn oo qalbijebinaysa ubaxa dalkan iyo dadkan ba u soo kacaya.
Guntii iyo gunaanadkii hadalka, waxa aan u soo jeedinayaa jaamacadaha kale ee dalka in laga feejignaado hadallada macnodarrada ah ee siyaasi kusheegga xafladaha imanaya iyo in la xakameeyo ujeeddada uu ka hadlayo oo lagu sugo madasha iyo midhkiisa inuu ka dhiibto. Ardaydu uma baahna isu baanidda siyaasi ku fashilmay inuu shaqo u abuuro, hankooda dhiso oo dhiirrigeliyo. Ardaydu waxa ay u baahan yihiin shaqo abuur, maalgashi iyo in cilmigooda iyo cududdooda cusub laga faa’idaysto.
W.Q. Cabdicasiis-Daacad Ibraahin Ciise