Cilmiga faraha: Qaybta 2aad (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Sida aynu ku soo xusnay qaybtii koowaad, faruhu waa summad ama baadisooc ayna jirin laba qof oo isku mid ahi. Xariijimahan aadanuhu waxa uu ku leeyahay:
1. Faraha (fingerprints)
2. Baabbacooyinka gacmaha(palm prints) iyo
3. Baabbacooyinka lugaha (footprints)
Culimada Faruhu waxa ay sheegaan in xikmadaha Alle inoogu abuuray xariijimahan faraha iyo luguhu in ay ka mid tahay si aynu wax ugu qabsano, lugtana si fiican dhulka inoogu qabato.

Bal sawiro haddii aanad xariijimahan lahayn wax kasta wuu kaa siiban lahaa!
Taariikhada Faraha
Isticmaalka Faruhu taariikh fac-weyn ayay leeyihiin. Dalkii ugu horreeyey ee isticmaala waxa la sheegaa in uu ahaa China.
William Herschel oo ahaa badhasaabkii Boqortooyada Ingiriiska u fadhiyey Hindiya ayaa faraha ka qaaday dadkii Hindida ahaa marka ay saxeexayaan heshiiska ay wada gelayaan.

Rag badan oo ay ka mid yihiin Henry Fauld, Alphonse Bertillon, iyo Francis Galton ayaa mid walbaaba wax ku darsaday daraasadda Faraha iyo sidii loo horumarin lahaa.
Balse, maqaalkan waxa aynu dul istaagi doonaa Sir Edward Henry, oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa qoray buug uu u bixiyey, โ€œThe Classification and Use of Fingerprintsโ€ (Hannaanka kala soocidda iyo isticmaalka Faraha) billawgii qarnigii 19aad.

Hannaankaas oo illaa hadda ah qaab ay isticmaalaan wadamada aan haysan kaydka kombuyuutarada balse gacanta ku kala saara.
Waa hab xisaab ku salaysan oo qofka khibradda u lihi si fudud u kala saari karo si dhakhso ahna u soo heli karo faraha uu raadinayo xataa haddii ay tiradoodu badan tahay.

Balse qarnigan aynu joogno oo ay tiknoolajiyaddu xawli ku socoto hawshaa inta ugu badan waxa qabta qalabka kombuyuutarka oo ilbidhiqsiyo gudahood barbardhig ku samayn kara malaayiin faro ah.
Wakhti xaadirkan, Maraykanka ayaa ah waddanka ugu badan ee haya kaydka Faraha.
2016kii daraasad la sameeyey waxa ay sheegaysaa in kaydka faraha kombuyuutarada Maraykanku ay kor u dhaafayaan 120 Milyan.
Faraha malaga ogaan karaa daโ€™da iyo jinsiga qofka ( Age & Sex)?
In la ogaado eedaysanaha in uu yahay lab/dheddig iyo daโ€™diisu waa waxa ugu mudan ee saraakiisha baadhistu raadiyaan.

Faraha looma adeegsan jirin in lagu ogaado daโ€™da eedaysanaha ama in uu yahay lab/dheddig, balse daraasad 2013kii la qabtay oo lagu sameeyey 1980 rag ah iyo 1590 haween ah oo farahooda hore loo hayey ayaa boqolkiiba 88.28% si sax ah u saadaalisay daโ€™da iyo jinsiga qofka.
Balse si qof eedaysane ah xukun loogu rido ama gudida xeer-beegtidu goโ€™aan u qaataan waa in caddaynta la soo hor dhigayaa noqotaa mid dhayda ka cad (beyond reasonable doubt).
Sidaa awgeed, weli way socotaa sidii loo horumarin lahaa daraasadaha noocan ahi.

La soco qaybta danbe sida loo qaado farahaโ€ฆ..