Cilmiga Faraha: (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Illaahay SWT suuradda Al Qiyamah, aayadda 4aad waxa uu ku yidhi isaga oo u jawaabaya kuwa dafirsan in insaanka dib loo soo nooleyn doono โ€œ waxa aanu awoodnaa in aanu dib ugu soo celino xubin kasta oo faraha kamid ah astaamaheediiโ€
Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir oo aayaddan tafsiirinaya waxa uu yidhi โ€œ Illaahay isaga oo u jawaabaya kuwa muranka ka keena dib-u-soo noolaynta aadanaha ayaa waxa uu leeyahay ma awoodno oo kaliya in aanu soo uruurino lafihii aadanaha, balse waxa aanu awoodnaa in aadanihii farahoodu kala duwanaa adduunyada maallinka qiyaamaha aanu mid qudha ka dhigno farahooda.

Waa arrin cajiib ah in 7da Bilyan ee aadduunka ku nool aanu jirin qof farihiisu lamid yihiin qof kale, xataa mataanaha hiddo-sidaha kaliya wadaaga farahoodu way kala duwan yihiin.
Astaamaha Faraha
Culimada Faraha ku takhasustay waxa ay sheegaan in xarriijimaha faruhu (fingrerprint ridges) ay abuurmaan marka ilmuhu uurka ku jiro. Celcelis ahaan farta kali ah waxa laga yaabaa in ay leedahay in ka badan 150 astaamood oo u gaar ah.
Marka la xaqiijinayo ama la isbarbar dhigayo 2 farood in ay isku mid yihiin waxa loo baahan yahay in mid walba laga helo 10 illaa 16 astaamood oo ay wadaagaan. Waddamo badan ayaa isticmaala habkan. Waddamada horumaray inta badan Khabiirka Faraha ayaa iska leh goโ€™aanka ugu danbeeya ee lagu qaadanayo in ay labadan farood isku mid yihiin iyada oo aan loo baahnayn in la tiriyo 10kii ama 16kii astaamood.

Dadka inta badan shaqooyinka adag ee gacmaha laga qabto ka shaqeeya, sida dhismaha ama haweenka inta badan gacmaha dharka ku dhaqa, way masaxmaan astaamahani muddo dheer ka dib, balse waxa cajiib ah in ay dib u alkunto xubintii masaxantay. Illaa 5 maqaar oo iska hooseeya ayaa leh isla astaamaha dubka ama maqaarka fartu leedahay.
Noocyada Faraha
Saddex nooc ayay u qayb samaan noocyada faruhu:
1. Loops ( 60%-70% ayaa ah noocan)
2. Whorls (30%-35%)
3. Arches (5%)
La soco qaybaha danbe…