Cimriga dadka..W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan)

Geeridu waa xaq, waana dariiq qofkasta sugaya oo marnaba laga baaqsan karin. Laakiin nolosha oo fududaatay, xanuunadii sida baahsan wax u dili jiray iyo halistii duur joognimada oo meesha ka baxday waxa kordhay cimriga bani’aadanka guud ahaan. Bulshooyin badan oo Soomaalidu ka mid tahay oo bilawgii qarniga labaatanaad life-expectancy goodu aad u hooseeyay ayaa laga soo bilaabo bilowgii qarnigan kasoo reeyay. Tusaale ahaan, laga soo bilaabo sanadkii 2020 kii life-expectancy ga Soomaalida waxa lagu qiyaasay 57.50, 57.78, 58.06, iyo 58.34.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku kala duwan cimri dhererka iyo caafimaad wanaaga, macalimiintuna waxay ku jiraan dabaqadaha bulshada ugu liita, ugu nolol adag, uguna daryeelka yar. Haddii aad u fiirsato, baraha bulshada, tiro ma leh inta macalin sanado badan shaqeeyay oo jiilal badan wax baray da’noqday, xanuuno yeeshay, faro madhnaaninna ugu biirtay oo loo yaboohayo. Ama lagugu war gelinayo geeridiisa, kadib markuu mudo dheer bukaan ahaa oo uu daryeel la’aan u silcaayay. Waxa silicaa ugu waca waa faqri, dawlad la’aan iyo bulsho ubadkooda la jecel aqoon, balse aan qiimayn aqoonsidaha.

Aduunku waxa uu isku waafaqay in bulsho wax barashadu liidataa aanay waligeed hore u mari karin; wax barashado tayo leh oo bulsho dib u dhacday, deg deg u hinjin karta waxa udub dhexaad u ah macalin tababaran oo daryeelan. Sababta macalimiintu faqri ugu daa’imaan waxa ka mid ah dhawr arimood oo muhiim ah. Ugu horeynba, haani guntay ka tolantaaye, xirfada macalinnimada dalkeenu sees adag kuma taagna. Inta badan, macalimiinta looma tababarin macalinnimo, mana laha waxa loo yaqaan transferable skills oo ay shaqo kale oo aan macalinnimo ahayn ku raadsadaan.

Xirfadda macalinnimadu hoosta ayay u balaadhan tahay, korna way u dhuuban tahay- macnaheedu waxa weeye macalimiintu waxay xad dhaaf uga badan yihiin shaqaalaha waxbarashada ee kale, isla markaana waxa kooban oo aan la balaadhin laamo waxbarashada la xidhiidh ee macalimiintu u dalaci lahaayeen. Tobanaan takhasus oo waxbarashada dhisa, tayeeya oo ubadka ku kalkaaliya aqoonta ayaan jirin, aragtida . Nasiib daro, inta yar ee jirtana, shardi lagama dhigin in qofka buuxinayaa uu khibrad macalinnimo oo buuran leeyahay.

Waynu wada garanaynaa sababta macalinku u darxumaysan yahay, waayo waxaynu aragnaa wadan xubintii la taabtaaba ay boog dhiig baxaysa tahay. Waase in aynu yaqiin sano in aanu horusocod jirayn inta seeska horumarku dunsan yahay: inta macalinku baahan yahay ee basaasan yahay.

 

Qore:Dr-Abdikarim D Hassan Bandhige@gmail.com