Col hortii jabay, waddaadada qaar Q.1aad(WQ: Axmed Cali Kaahin)

Barigii dawladii hore waa tii gaadhay Jinaa wadaada. Markii culimada uu laayay habaar qabihii. dhamaan tilmaamihii diintuna u noqdeen hadaf iyo yool lagu raadsado dadka leh. Diiradana saareean shacaairka diinta cida muujisa ama leh. Dhibaatooyin badana la gaadhsiiyay rag iyo dumar xaalado qalafsana waaji jireen.

Waagaa ย dadka ย xumaantaa la jeclaysiin jiray iyo is faranjiyaynt, qaaba ย diintooda iyo dhaqankoodaba ceeb ku ย bulshada oo shuuciyadii qadhmuunayd sal ku ku haysa. sida is qaawinta iyo tumashada looga dhigay sawir qurxoon oo lagu faano wixii laga faani jiray. Xijaabkuna ahaa dambi iyo ceeb ilaa shareerato iyo waxyaabo kale lagu tilmaami jiray.

Habeen uu sheikh nooga sheekeeyay xaaladaha soo maray waxa uu sheegay in dadka la qab qaban jiray cidii diin faafint lagu tuhmo. Waa la I qabtay buu yidhi mar kaasaa gabadh xijaaban iyo aniga gacanta la iskugu kaayo xidhay katiinad mudo ku dhaw maalin anagoo gaadhi lanagu safriyay masaafo dheer. Halka hudheelada tumashad iyo isqaawintu ahaa wax dadka lagu dhiiriyo.

Halka bulshada lafteedu kibir iyo isqaawinta u banbaxday oo diraca wilka oon waxba asturin ahaa huga kaliya ee dumar badan, raguna tumashadu u ahayd wax la iskugu faano heesaha iyo tiyaataraduna ciirciirayeen dad badan oo u jibaysan heesaha. Bariiskana loola baxay jaygii ka soo rida.

Masaajidadna looga tagay odayaasha lixdan jirka ah oo la odhan jiray soomalidu ma lixdankay ku islaaman sida laga sheego quraan ruugii reer masar Maxamuud Xusari oo mar soo booqday gayigan.

Markii dagaalkii qarxay qixiina bilaabmay dadkiina gaajo, cudur iyo cabsi daris la noqdeen mid maal lahaa iyo ku saboolana la sinmay, dubihii rabaa rabi lagu bartay, waa halkii soomalidee ta xun bay ku Alle taqaanaaye. Qaab aad moodo in dadku jeelal ku jireen una jeelanaayeen iyo jibo xoog badan leh baa loogu butaacay xagga barashada ย diinta ย iyo ku dhaqankeeda iyadoo xaaladihii qalafsanaa ee xeryihii qaxoontiga lagu quudin jiray.

Waxa mar kaliya isa oogsaday, camiraada masaajidada, yagleedida, madarasadaha, xalqadaha quraanka, iyo duruusta masaajida iyo wacdiga joogtada ah ee dadwaynaha oo dad darban oo hurid iyo niyad sare leh hagayeen isku duubni iyo isku tashina lagu daabay hayaankaasi. Taasi oo midhaheedii ilaa hadda la manafacaadsado.

Ddkaa waxaan ka xasuustaa Sheekh Khadar Tajwiid oo madarasada macalinkii I qoray ah Allaah raali ha ka ahaadee. Iyo qaar badan oo kaba sii cajiibsanaa oo aana garanayn gadahayga awgeed barigaa.

Halkaasi waxa ka dhashay in xufaada quraan ruugi tiro beesho, iyo dadka diinta bartay ee dadka barayaana hormo hormo usoo aflaxayeen. Waxaas oo dhan waxaa lagu wadday lacag laaan iyo u hurid umadeed iyo masuuliyad bulsho oo qofkastaa qoortiisa isagu isku waajibiyay.

Wacdiga iyo xalqadaha diiniga iyo jamaca masaalidkana la iska daba sugi jiray. Halka intii aan la qixin dadka quraanka dusha ka haya kitaabku tirsanaa oo dhawr qof gaadhayeen oo waxaa ugu caansanaa Sheekh Suhayb oo la daawan jiray oo hadda jooga.

Balse waxaa barigaa soo baxay boqolaal quraan ruug ah iyo dhalin diinta xambaarsan.Wax qabadkaa iyo maalgalintaa waxa abeelkeeda lahaa dhalintii iyo culimadii waagaas hawl galinta iyo hurida lahaa. Waxa xiga qaybta 2aad haddii Rabbi swt idmo. ย Ha hilmaamun xuska Rabbi

Qalinkii Axmed Cali Kaahin ย ย ย ย ahmedckahin@gmil.com