Corona Virus waa imisa jir? (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Cudurro-xilliyeedka cidda ugu fiican ee wax ka qortay wakhtiyadii hore waa culimadii muslimiinta, ha ahaadeen kuwii caafimaadka ama kuwii culuumta diiniga ah lahaaye, qoraalladooduna waa kuwa ugu badan isla markaana qiimaha aqooneed ee ugu sarreeya leh, intii ka horreysay ilbaxnimadan cusub ee reer galbeedka.

Culimada wax ka qoray xanuunnadaas, waxa ay badankoodu tilmaameen in xanuunnada sida degdeg ah u faafa, isla markaana dhimashada badan sababaa ay cumri gaaban yihiin, ugu badnaanna ay socdaan 5 bilood ka dibna istaagaan.
Hadda waxa adduunka oo dhan kaga qayli siiyey xanuunkan Covid-19, xanuunkani waxa uu ka bilaabmay dalka Shiinaha bishii diisambar ee 2019, waxaanu dalkaas ka soo gababoobay dhammaadkii bishii saddexaad ee ina dhaaftay, waa muddo shan bilood ku siman, waddamadii ka danbeeyey ee uu haleelay weli waxa ay ku jiraan circulation-kii cudurka, oo muddadiisii ma dhammaannin, hase yeeshee sidii uu ugu kala horreeyey ayuu isdhinkiisuna u kala badanyahay.

Cumriga fayraskani waa noolaha oo kale, waxa uu leeyahay cumri dhalinyarannimo, mid da’ dhexaad iyo mid gabow, si kooban ayuu u bilaabmaa, si xawli ah oo markasta isa sii labanlaabaysa ayuu u faafayaa, marka uu xoogaysto ayuu dilidda bilaabayaa, ka dibna wuu isasoo dhimayaa ilaa uu ka istaago.
Waxa aan is weyddiiyey su’aal aanan jawaab buuxda weli u helin oo odhanaysa: Cumriga mala awaalka ah (Lifespan/Life Expectancy) ee fayraskan, kama hadlayo wakhtiga uu hawada ku jiri karo haddii qof qabaa ku neefsado, ama uu ku sii sugnaan karo meel uu taabtay qof fayraska xambaarsani, sidoo kale kama hadlayo cumriga uu fayrasku ku dhex noolaan karo qof uu haleelay, taa waynnu maqallaa oo qofka uu fayrasku haleelo, isla markaana saameyn ku yeeshaa saddex marxaladood ayuu maraa in uu xanuunka dareemo, u soo dhaco, ka dibna ka kaco ama ku go’.
Dabcan dad baa jira uu haleelo, isla markaana aanu saamayn muuqata ku yeelan, waa dadka difaaca jidhkoodu xoogganyahay.

Waxase aan halkan isku wayddiiyey muddada ay saameynta xanuunku ka jiri karto deegaan uu soo gaadhay, waxa aynnu maqallaa waddan hebel ayaa xaaladdii koowaad laga helay, ka dibna muddayar gudaheed tiradu si laba jibaaran u korodhaa, ka dibna waxa bilaabma dhimashada dadka, ilaa ay heerka ugu sarreeya gaadho, ka dibna waxa bilaabma hoos u dhac: Dadka xanuunka qaadaya iyo kuwa u dhimanayaba, waxaana kordha/siyaada dadka ka soo kabanaya, ilaa uu ugu danbeyn ka qarsoomayo xanuunkaasi, sida hadda laga sheegayo magaalada Wuuhaan ee Shiinaha ee uu xanuunku ka bilaabmay.
Taa macnaheedu waxa weeye in rajadu tahay in uu cudurkani cumri gaabanyahay, oo sidaas culimada Islaamku hore u sheegeen aannu 5 bilood ka badnayn, inkasta oo uu muddadaas gaaban halaag badan geysanayo.
Adigu ma aragtay weli wax diraaso ah oo qodobkaa aanka hadlay lagaga faallooday?
Qoraalka qaybtiisa labaad oo ah cinwaankii aan hore idiinku ballanqaaday khamiistii ee la inaga jiidhay, waxa aan soo gelin doonaa mar kale, waa mawduuc kooban oo si guud u suuraynaya isbeddelka iman kara, gaar ahaan qurba joogta Soomaalida xanuunkankan ka dib (Karoone Keen).

Ilaahay waxa aynnu wayddiisanaynnaa waa bil Ramadaane in uu xanuunkaas adduunka ka dulqaado, oo inta u buktana ka kiciyo, innagana inaga dhawro.