COVID-19 iyo Qiyamka Suubban ee Hoggaaminta (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

COVID-19 iyo Qiyamka Suubban ee Hoggaaminta

Mabaadi’da looga baahan yahay hoggaanka bulshadu doorataa waa afar. Bal afartan aynu eegno iyo waqtigan lagu jiro duruufta adag ee uu sababay caabuqa COVID-19.

1. Hoggaamiyaasha akhlaaqda suubbani waa qaar runta ka hadla. Hoggaanka aynu dooranay shaaca ma ka qaadaan xog sax ah oo run ku sallaysan?Duruufaha taaggan miyay yaraystaan ama buun-buuniyaan?

2. Hoggaamiyaasha akhlaaqda suubbani waa qaar dadweynaha u soo bandhiga xog iyo macluumaad hufan. Waqtiyada lagu jiro duruufaha adag waxa caqabad weyn ah in la helo xog daah-furan oo hufan.

3. Hoggaamiyaasha akhlaaqda suubbani waa kuwa dadka mideeya. Waana qodobka ugu muhiimsan ee hoggaamiyaha laga rabo marka duruufaha adag lagu jiro in uu mideeyo muwaadiniinta. In la is-canaanto ama eedda cid kale la saaro marka duruufaha qalafsan lagu jiraa qof kasta ayuu dhaawacaa. Hoggaamiyaasheenu miyay midaynayaan dhab ahaantii dedaalada aynu wadno ee aynu dhibaatooyinka kaga hor tagayno?

4. Hoggaamiyaasha akhlaaqda suubbani waa kuwo ka shaqeeya una taaggan hirgelinta danaha ummaddii soo dooratay. Waa in aynaan ku mashquulin yaa guuleystay, yaa guul-darraystay. Hoggaamiyaasheenu ma yihiin kuwo danaheena ka shaqeeya waqtiyadan adag?

Waa su’aalo furan oo carin kara qof kasta oo muwaadin ah oo niyadda ku haya in uu soo doorto hoggaan cusub!