Daacuunku waa xanuun intii aan dawada antibiotics la soo saarin aad u galaaftay dad badan. Intiisa badan wuxuu ku dhacaa qanjidheda (bubonic). Waxaa kale oo uu ku dhici karaa Sambabka (pheumonic). Ka sambabka ku dhacaa hore ayuu qofka u dilaa haddii aan la daaweyn
Waxaa uu ku gudbaa saddex hab:
• Qaniinyada Tegfida (Flea) ku dul nool xawaano ay ka mid yihiin Jiirka, Bisadaha iyo Eyda.
• Dhiigga ama dheecaanka xayawaan qaba daacuun oo ku soo gaadha
• Dadka u ka haleelay sababka oo ku gudbiya qufaca iyo hindhisada
Xanuunkan COVID19 si aad uga fudud ayuu u gudbaa oo uma baahna tegfi ama xayawaan soo gudbiya. Dadka ayaa isku gudbinaya. Ta kale, COVID19 waxaa badan dad qaba oo iyagu aan aad u xanuunsanayn oo haddana gudbinaya. Halka dad uu daacuunku kaga dhacay sambabka ay u badan yihiin dad aad u xanuunsanayaa oo haddii aan la dawayn ku dhiman kara 24 saac gudahood. Lagama yaabo in qof daacuun kaga dhacay sambabka inuu meel dad badan joogaan sida xaflad ama masaajid uu yimaaddo waayo aadbuu u liitaa.