Cudurka Joonis cadka ama Cagaarshow-ga “Hepatitis B” (WQ: Dr. Ismaaciil Cumar Dirir)

 

Joonis cadka ama cagaarshow ( hepatitis B) kolba sidii Aad u taqaanaba waa Caabuq ama barar ku dhaca beerka kaas oo uu keeno xanuunsidaha fayraska la yidhaa hepatitis B Virus.

si guud jooniska ama cagaarshowga (hepatitis) waxa loo kala qeybiyaa dhawr Nooc iyada oo kala Qeybintaa lagu salaynayo Hadba nooca fayrsak keenay waxaanay kala Yihiin noocyadaasi, hepatitis A, B, C, D iyo E. waxaynu Qormadan  si gaara ugu eegi doona cudurka joonis cadka ama nooca la yidhaa hepatitis B.

Sababta Aynu nooca u soo qaadany ayaa ah markaad Eegto sida Uu bulshada somaliyeed iyo Dunida Idilkeedba uu sida Xawliga ah ugu faafayo ama ugu fidayo , iyo markaad Eegto warqabka iyo wacyiga Dadkeenu ka haystaan Cudurkan oo kooban.

Baahsanaanta iyo fidsanaanta cudurkan

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey U qaabilsan caafimaadka ee WHO waxa jira 240 million Oo qof kuwaas oo xanuunkan la Nool Dunida , Halka 686000 oo Qofna u Dhintaan sannadkiiba cudurkan Beer xanuunka ama Caqabad ka dhalatay sida kansarka beerka ( liver cancer) iyo kuwo kaleba.

Cudurkan ayaan Halis badan ku haya Wadamada saxaraha ka hoseeya oo ay somali iyo somaliland ba ku jiraan, Wadamadaas oo ay Boqolkiiba shan ilaa toban (5-10%) dadka ku dhaqan uu Asiibey cudurkani. Halka wadamada Bariga Dhexena Boqolkiiba laba ilaa boqolkiiba shan ( 2-5%) uu Dadkooda cudurkani Hayo, wadamada yurub iyo mareykan dadka uu xanuunkani hayaa waa ilaa boqolkiiba hal ( 1%).

Halkaa waxaynu ka Garan karnaa ama kala soo baxaynaa in Cudurkani Aad ugu badan yahay Wadamda saboolka ah Ee Dhaqaale ahaan iyo Adeeg Caafimaad ahaanba hooseeya, waxa kale oo iyaduna jirta in wadamada laftooda Dabaqadaha  hoose ee bulshadooda uu cudurkani ku badanyahay, waayo Adeeg cafimaad oo aaney helin iyo iyagoo la lagdamaya baahiyaha noloshooda iyo wixii maalintaa la cuni lahaa.

Cudurkani sidee buu ku gudbaa?

Si Guud markaad u Eegto cudurkan Joonis cadka ama cagaarshowga (Hepatitis B) ayaa kaalmaha Hore kaga jira cudurada sida fudud ku faafa ama Dadku si fudud isugu Gudbin karaa.

waxa jira siyaabo badan oo Aad cudurkan ku Qaadi karto ama uu kugu soo Gaadhi karo, lkn inta ugu caansan ayeynu ka soo Qaadanynaa.

  1. Habka ugu badan uguna caansani Ee cudurkan loo Qaado ayaa ah iyadoo si Toos ah loo Taabto Dhiig ama dareere Jidhka Qofka cudurkan Qaba ka soo baxay
  2. In Hooyadu Ilmaheeda u Gudbiso xiliga Dhalmada iyo Inta uu Uurka ku jiro labadaba
  3. iyadoo lala Galmoodo Qof Qaba cudurkan joonis cadka ama cagaarshowga
  4. in La wadaago Irbadaha laysku mudo, cadayga, makiinadaha lagu xiirto iyo Maqasakaba
  5. in lagu shubo Dhiig Qaba cudurkan
  6. In Aad Taabato Nabar , Dheecaan ama Dhiig ka soo Dareeray Nabar Qof Qaba Cudurkan joonis cadka ama cagaarshowga.

Waa maxay astaamaha lagu garto cudurkan?

Cudurkan joonis cadka ama cagaarshowga ayaa inta badan loogu yedhaa Dilaaga Aamusan ( the killer silent) iyadoo sababtuna tahay in dadka uu ku dhaco xanuunkani ayaanay wax calaamado ama astaamo ah aanay muujin, qofkuna kama shikayayo in uu xanuunkan Qabo xataa haduu wax calaamado ah isku arko waxa laga yaabaa in uu u maleeyo Duri ama Hargab Waayo maaha astaamo iyo calaamdo waaweyn.

waa kuwan astaamaha lagu arko Dadka Qaba Cudurkan joonis cadka

  1. madax xanuun iyo xummad aan badneyn
  2. Indhaha ama maqaarka OO midabka Huruuda u eekaada ( waana sababta Dadka Qaar ugu Yaqanaan cudurkan CAGAARSHOW)
  3. kaadida oo madoobaata
  4. matag iyo shuban

Yaa halis ugu jira cudurkan?

Cudurkan madaama uu yahay mid si fudud dad badan ugu kala gudbi kara waxa jira dad badan oo halis ugu jira in ay Qadaan Cudurkan, waxaan ka mid ah kuwan.

  1. Qofka Qaba mid ka mid ah cudurada galamada ku gudba ee la yidhaa sexually transmitted diseases sida AIDS iyo Gonorrhea .
  2. Dadka la nool qof qaba cudurkan iyaguna waxay halis ugu jiraan in ay qadaan cudurkan
  3. Qofka ka shaqeeya goobaha caafimaadka gaar ahaan shaybaadhka wuxu halis u yahay cudurkan.
  4. Qofka la galmooda qof qaba cudurkan jooniska ama cagaarshowga .
  5. Qof isticmaala maandooriyaasha sida Qaadka iyo khamriga.
  6. Qofka kalyuhu fadhiisteen ( renal failure) ee kalyaha loo maydho ( dialysis).

Talaal ma leeyahay Cudurkani?

 

Haa, cudurkani wuu leeyahay talaal, waana sida ugu fiican ee lagaga hortagi karo xanuunkan. talaalkani wuxuu ka koobanyahay sadex irbadood waana in qofku dhamaystaa si uu uga badbaado dhibaato cafimaad, caruurta yar yar marka ay dhashaan waa in la siiyaa talaalkan.

Daawo ma leeyahay Cudurkani ?

Waxa la arkaa In Dad badani ka bogsadaan xanuunkan iyada oo aanay wax daawo ah qaaden . ma jirto wax Daawo ah oo si dhab ah u daaweynysa cudurkan loona qaato , waxase jira daawoyin qofka cudurkan qaba la siiyo si ay uga hor tagaan caqabdo hor leh oo ka dhasha cudurkan kuwaas oo soo gaadha beerka.

Talooyin caafimaad 

  1. Qaado talaalka joonis cadka ama cagaarshowga si aad uga badbaado cudurkan ilaahay idamkiis.
  2. Hooyada ama Aabaha Qaba cudurkan ha talaalan ubadkooda iyo cidda guriga kula nool.
  3. Lamaanaha raba in ay is guursadan aqalna yagleelaan waa in ay iska badhaan cudurkan talaalkiisana Qataan.
  4. Si fiican u nadiifi qalabka caafimaad ee dadka ugu adeegaysid .
  5. Hala wadaagin Dadka irbadaha iyo  qalabka guryaha sida cadyga , sidoo kale hala xidhan dharka hoose.
  6. xidho gacmo gashi ( plastic goloves) markaad dhayeysid  qofku buka.
  7. tag goobaha caafimaadka si aad xog iyo aqoon ku saabsan cudurkan aad uga soo heshid .

 

ALLE HEYNA ILAALIYO

Dr. Ismaaciil Cumar Dirir

Marmara University

Istanbul Turkey