Waddankii waxaa laga cabanayaa dhibaatooyin aad u farabadan, waxa aad arkaysaa in maalinba maalinta ka danbaysa aanay kasoo raynayn in ay kasii darto mooyaane, waxaa batay fasahaadkii, sinadii, laa’luush qadashadii, Qabiilkii iwm.
Waxa maalinkasta laguu sheegayaa ama aad TV-yada ka maqlaysaa dad ka hadlaya dulmi iyo dhac loo gaystay hanti ay lahaayeen, waxa yaraaday isfahamkii dadka, taasina waxa ay keentay in dadkii ay kala fogaadaan.
Waxa aad moodaa culimadii dalka joogtay in ay ku xaraysan yihiin oo kaliya Masaajidada, balse aanay markaliya dibedda uga soo baxayn ama aanay dadka kala hadlayn meelaha dadka laga wacyigaliyo sida Idaacadaha iyo TV-yada.
Sheekh kastaaba waxa uu isku ooday masaajidka, waxanu markasta wacdinayaa in gaar ah oo iyada aan markaan wacdiba u baahnayn, waayo maalinkasta waa ay soo xaadiraan masaajidka kamana maqnadaan, mana aha dadka dhibaatada wada.
Balse waxa u baahan wacdiga culimada, dad badan oo aan markaliya aan masaajidka iman, sidee kuwaa loo gaadhsiinayaa wacdiga iyo waanada culimada, sawmaaha in ay masaajida kasoo baxaan culimadu oo aanay kaligii ku eekaan.
Culimadu waa in ay isku dayaan in ay dalka meelkasta oo ay gaadhi karaan ay gadhaan, waxa aad moodaa in culimadii uu ku dhacay wahsi iyo fadhiidnimo, waxa meesha ka muuqata in ay culimadii u eegyihiin kuwo dadkii iska ururinaaya oo aan is-dhexgal samaynayn.
Haddaan tusaale u soo qaato, waxaa dhici karta in maanta magaalada Hargeysa ay ku nool yihiin dad ku dhaw hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof, waxa aynu fahmi karnaa inta markasta masaajidka tagta ama soo dhagaysata wacdiga culimada in uu yahay wax kooban.
Culimadu waxa ay u taagan yihiin wakiilkii Nabiga CSW ee adduunka, maaha markaasi in ay ku eekadaan oo kaliya masaajidada iyo guryahooda, maaha in aanay dhinacna u dhaafin goobahooda shaqada iyo xarumahooda.
Dadku ma necba culimada waanay jecel yihiin, balse culimadu qaabkan ay hadda u shaqayso wax ha ka badalaan, dadka hasoo dhexgalaan, waddanka tuulo ilaa xeeb ha u maraan, ha u sameeyaan wacyi galin dadka lagaga hadlaayo xumaanta ay leedahay qabyaaladu, eexdo, boobku, sinadu, dhaqan xumadu iwm.
Waxa uu muuqada in culimadii ay godoon ku yihiin Masajiidada, dadkiina aanay masajiidkii ku wada jirin, Culimooy kasoo baxa Masaajidada oo dadkii dibedda iyo suuqyada iyo guryaha ayay u baahan yihiin in wax loogu sheego.
Waxaan ahay nin culimida jecel ma ahi nin culimada ku xumaynaaya, balse waxa ii muuqata in culimadii iyo dadkii ay kala gaar noqdeen, taasina ay keentay in dadkii ay kaxaystaan shayaadiin iyo shar-wadayaal.
Waxaa ila fiican in ay culimadu baraha ay dadku ku kulmaan sida Facebook-ga, twitter-ka iyo iwm in ay ku yeeshaan goobo ay dadka ku wacdi-galiyaan, maalinkastana ay wacdigooda soo galiyaan, waan ogahay in rag badani ay taasi sameyaan haddana, waxaan oga-ahay in aanay dadka ku filayn.
Waxa soo baxay in culimadu marka ay rabto in ay dadka ka wacddoi Idaacadaha iyo TV-yada in ay soo galaan oo kaliya hal mar maalintii oo dhan, taasina ay u badan tahay barnaamijka Tafsiirka Qurโaanka, arrintaasi oo i xasuusisay, in aan waxba laga badalin hab dhaqankii dawladdii Kacaanka iyo qaabkii ay Diinta ula macaamili jirtay, kaasi oo ahaa in wakhtiyar oo kooban la siiyo barnaamijyada ku saabsan Diinta.
Idacadkasta ama TV-kasta waxaa maalintii ugu yaraan laga soo dayaa 20 heesood oo wax ay ummadda u tarayaan aanay jirin, waxa kale oo soo raaca barnaamijyo aad aragto in ay ku wajahan yihiin, faanka iyo amaanta laga bixinaayo hadba cida markaasi Idacadaasi ama TV-gaasi iska leh.
Waan ogaโahay arrintu maaha wax sahlan, xaalku waxa uu u egyahay mid aan hawlyarayn, dadkii iyo aqoonyahankii waa ay kala qo-qoban yihiin, culimadii iyo dadkii wax loo sheegi lahaa waxa ku kala dhexjira buuro aad u qoto dheer, una baahan in si farsamaysan wax looga qabto.
Wa bilaahi tawfiiq.
khadaraar101@gmail.com
https://twitter.com/khadar_aar
WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar