Cunista Cuntada Waddaniga Ah Iyo Habdhaqanka Qofka (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Cilmibaadhis cusub oo ay maamulaysay Kendall Skean oo agaasime ka ah waaxda Cilmiga cilminafsiga ee jaamacadda Loyola oo ku taalla New Orleans dalka Maraykanka ayaa daahfuray in dookha cunto ee qofku saamayn ku yeelan karo habdhaqankiisa.

Cuntooyinka dabeecadda qofka la falgala ee ay xustay waxaa ka mid ah cuntooyinka dhirta ah ee dabiiciga ah ama aan korinteeda kiimiko ku jirin. Daraasaddu waxa ay sheegtay in dadka cuntooyinkan aad u xiiseeyaa ay yihiin dadka aan ku fiicnayn garabsiinta dadka qariibka ku ah iyo caawimada dadka baahan. Sida oo kalana waxa ay dadkani caan ku yihiin dabeecad aan u dulqaadan Karin, una dabicin dadka qaladaadaka iyo xad gudubyada dhinaca anshaxa ah ku kaca.

Sahamin ay daraasaddani samaysay ayaa lagu ogaaday in dadka dabeecaddoodu tahay isku buuxsanaan iyo is qancintu ama aaminsan in ay waajibaadkii laga rabay sida ugu quruxda badan uga soo baxeen ay yihiin kuwa ugu badan ee cuna cuntooyinka dhirta laga soo dheegto, gaar ahaan nooca Soomaalidu Waddaniga u taqaanno. Waana sababta keentay in dadkani aanay aad u danayn in ay dadka kale gacan qabtaan ama wanaaggooda ka shaqeeyaan.

2. QOFKA UGU DAMBEEYA EE MIISKA CUNTADA KA KACA

Hay’ad ka shaqaysa cilmibaadhisaha la xidhiidhka maskaxda iyo habdhaqanka qofka oo magaceeda loo yaqaanno ‘Brain and Behavior Research Foundation’ ayaa sheegtay in caadooyinka cunto ee qofku ay calaamad u noqon karaan shakhsiyaddiisa. Tusaale ahaan qofka oo cuntada si aad u dhaqso yar u cuna, markastana darsada / rudhmada qaata keliya marka uu dhammeeyo rudhmada hore ayaa ay cilmibaadhistu sheegtay in ay yihiin dad aad isugu kalsoon isla markaana jecel in ay iyagu noloshooda gacanta ku haystaan, kalsoonina ku waajahaan.

Dhinaca kalana cuntada oo si tartiib ah loo cuno ayaa ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay leedahay faa’iido ah in qofku uu cuntada hore uga dhargo oo aan cunto badan cunin.

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay cilmibaadhistu aad u ammaantay dabeecadaha dadka inta badan cuntada dhaqso u cuna oo ay sheegtay in ay yihiin dad himilo iyo han leh, oo garanahya yiolka iyo halka ay u socdaan, dad awood maskaxeed u leh in ay wax ka baran karaan waayoaragnimada ku cusub, isla markaana ah dad bulsho ahaan furfuran.

Cuntada uu qofku sida dhaqsaha ah u cunay ayaa ay daraasaddu sheegtay in ay calaamad u tahay sida uu awood ugu leeyahay in uu si dhaqso ah ula jaanqaado ulana macaamilo nolosha, iyo in uu wixii xun dhinac iska dhigo si uu ugu gudbo waxa fiican.