Cuquubada Riyada Beenta ah! (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

Beentu sideedaba waa xaaraan, waana dhaqan liita oo ceebaysan.

Rasuulka waxa la weydiiyey mu’minku fulayl ma noqon karaa markaasuu yidhi: Haa, waxa la yidhi: bakhiil ma noqon karaa markaasuu yidhi: Haa, waxa la wayddiiyey beenaale ma noqon karaa markaasuu yidhi: Maya ! โ€“ Imaam maalik ayaa soo saaray xadiiska, waana mursal.

Allena waxa uu yidhi: โ€œBeenta waxa abuurta uun kuwa aan aayadaha Alle rumaysnayn, kuwaas uun baa beenaalayaal ahโ€ suuradda Annaxli.

Waxa kale oo uu Xabiibkeennu yidhi- Naxariis iyo Nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee:โ€œBeentu waxa ay kugu hagtaa faajirnimada, faajirnimaduna waxa ay kugu hagaajisaa naarta, qofkuna beenta ayuu caadeystaa ilaa Alle agtiisa beenaale looga diiwaan geliyoโ€ Bukhaari iyo Muslim baa weriyey xadiiskan.

Iyada oo beentu sidaas u ah dunuubta waaweyn iyo dhaqannada anshax-xumada ah, ayey haddana ka been sheegidda riyadu ka denbi badantahay kana cuquubo weyn tahay beenta caadiga ah.

Nebigu-scw- waxa uu yidhi sida bukhaari ku sugan: โ€œQofka sheega wax aanu ku riyoonin, waxa lagu kellifaa maalinta qiyaame in uu laba midh oo hadhuudh ah isku gunto, mana sameyn karoโ€.

Waxa kale oo uu Nebigu yidhi: โ€œBeen abuur waxa ugu weyn: 1) In uu qofku ku abtirsado cid aan aabihii ahayn. 2) In uu indhihiisa tuso wax aanay arag โ€“sheegto riyo aanu ku riyoonnin- 3) In uu aniga (Nebi Muxammed-scw) iga weriyo waxa aanan odhanninโ€ Bukhaari ayaa soo saaray xadiiska.

Culimadu waxa ay yidhaahdeen sababta beenta riyadu uga denbi badatay beenta caadiga ah waxa weeye: โ€œRiyada wanaagsani waxa ay ka timaaddaa xagga Alle, waxaana qofka la tusaa wax dhab ahaan u dhici doona mustaqbalka, riyadaasi waa qayb ka mid ah 46 qaybood oo nebinnimada ah, marka uu qofku ka beensheegana waxa uu ka dhiganyahay qof Alle ka been abuuranaya oo wax aan la tusin sheeganaya in la tusayโ€.

Allena waxa uu yidhi:

{ูˆูŽู…ูŽู†ู’ ุฃูŽุธู’ู„ูŽู…ู ู…ูู…ู‘ูŽู†ู ุงูู’ุชูŽุฑูŽู‰ ุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ูƒูŽุฐูุจู‹ุง ุฃููˆู„ูŽุฆููƒูŽ ูŠูุนู’ุฑูŽุถููˆู†ูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุฑูŽุจู‘ูู‡ูู…ู’ ูˆูŽูŠูŽู‚ููˆู„ู ุงู„ู’ุฃูŽุดู’ู‡ูŽุงุฏู ู‡ูŽุคูู„ูŽุงุกู ุงู„ู‘ูŽุฐููŠู†ูŽ ูƒูŽุฐูŽุจููˆุง ุนูŽู„ูŽู‰ ุฑูŽุจู‘ูู‡ูู…ู’ ุฃูŽู„ูŽุง ู„ูŽุนู’ู†ูŽุฉู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ุธู‘ูŽุงู„ูู…ููŠู†ูŽ} ู‡ูˆุฏ: 18.

(Yaa ka dulmi badan qof Alle ka been abuurtay, kuwaas ilaahay ayaa loo soo bandhigi doonaa, markhaatiyaduna waxa ay ku furi donaan: kuwani waa kuwii rabbigooda ka been abuurtay, ilaahay lacnaddiisu ha ku dhacdo daalimiinta).

Walaalayaal aynnu ka dhawrsanno beenta, kana fogaanno ku dhaqankeeda, dadkana ka waannino.

Fadlan faafi qoraalkan si uu badbaado ugu noqdo dad denbigaas ku dhici lahaa, kuwa ku dhacayna uga toobad keenaan.

 

Dr-Abdulqani Beder