Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal 1939-kii โ€“ 2016-ka, Q.3aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

 

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

ย Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qormada: 3aad

ย Hargeysa, 17/1/2016ka,

‘Guunyada loโ€™du waw garaad daran too,
Gaajiyo ma oggola harraad gelinoo,
Gawdha iyo usha way ka gubataa,

Haddii aan la gunaynin looma galoo,
Gujada weyshu waa ta gaaggixisee,
Haddii la garaaco godol ma leh,

Garteed weeye in ay gilgilataa,

Gadooddooy geeska soo rogataayoo,

Gumaaddo wixii ka galabsadayoo,

Ganbiyo dumarkaa garayska xidhee,
Guntiga raggu waa isku giijin jiree,
Geyigan tegey gaalku maw hadhay!

Gadantoo arladeennii way gedmatee,

Gabaabsina weeye oo galbataye,
Aan gaadhnee ma loo gurmanayaa?

Geeliyo adhigiyo gammaankii fardaha,
Guโ€™goo daโ€™ay geedihii hawd,

Aan geynee ma loo gurmanayaa!

Garaad isma dhaanno gaalada,
Guโ€™geennuna waa gudboon yahay,

Guul-darro waynagaa gacmaa madhan!

Gaashaan-qaad xaqiisa lalama gudbee,

Garkiyo wadnahay na kala goโ€™anoo,

Guul-darro waynagaa gacmaa madhan,

Godobtii nin qirtay oo ku gawracay,
Gashigii diiddan oon wax kaaga gudbayn,

Gadaan-gadayaa gar-daranaa!

Ayaa Guullaheen gargaaraayoo,
Ayaa gobannimada garanaayoo,
Ayey la genbiya gumeystaha!

(Maansadan waxaan ka soo xigtay qoralkeeda qormo uu qoray Maxamed Baashe Xasan)

Isla sdannadkaa 1954kii oo ahaa sannad aad ugu adkaa shacbigii Soomaliyeed ee xornimada, is-raaca iyo midnimada doonayay maansooyinka kale ee Cali Sugulle ka tiriyay waxa ka mid ahaa:

“Haddaanan qaylo dheer hayaay odhan,

Hororka celiyaay ku heellayn,

Haddaanan gumayste waan la hodmee,

Haddaanan goynin hanaqiyo halbowlaha,

Haddaanan dhulka heegan baan u ahee,

Anigu aan hoydee isagu hadhin,

Haddaanan ma huraanka haaneedkiyo,

Hadhuubka u dhiibin hanaddada,

Haddaanan oogo Hawd u hawshoonnoo,

Hilbaha iga maqan la soo noqon,

Haddaanan ENEFDhii Hengelo dhiginoo,

Huurkiyo laga qaadin heeryada,

Haddaanan Jabuuti way hakatee,

Hilinka kuwa kale hayaan marin,

Haddaanan Xamar way hadhaysan tahee,

Hargeysaay ku saarin heegada,

Haddaanan Shantu waysku hooyo-hiddee,

Hiilkiyo isku raacin hoogaba,

Haddaanan Rabbi baa hagaajin karee,

Hanuunin sidii hubkays wada.”

(Maansadanna waxaan ka soo xigtay qoraalkaa Maxamed Baashw Xasan oo aan uga mahad-celinayo kalinta la yaabka leh ee uu kaga jiro qoraalka, keydinta iyo tebinta suugaanta iyo taariikhdaba.)

Cali Sugulle wuxu ahaa hal-abuur, waxaanu leeyahay Riwaayado iyo heeso badan oo halkudheg noqday. Waxa intaa u dheer oo uu kaga duwan yahay hal-abuur badan oo la ayni ah, isaga oo ah โ€œMulaxinโ€ heesihiisa intooda badan codadka u sameeya. Inta badan codadka Cali Sugulle waxa saldhig u ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, inta badanna codadkiisu waxay leeyihiin baadi-sooc lagu garto in uu Cali Sugulle ku saxeexan yahay.

ย Riwaayadaha Cali Sugulle waxa ka mid ah:

Riwaayadda ย iyo sannadka

  1. Ayaa ila genbiya gumeysiga, 1954kii
  2. Darxumo, 1955kii
  3. Hayaay iyo haddaanan, 1955kii
  4. Himiladeenna, 1958kii
  5. Indho-sarcaad, 1961kii
  6. Xil-gobeed, 1961kii
  7. Ma-huraan, 1965kii
  8. Kala haab iyo kala haad, 1966kii
  9. Gobannimo, 1967kii
  10. Sheeg iyo Shareer ,1968kii
  11. Ma hadhin, 1968kii

In kasta oo aan nolol ku soo gaadhay Cali Sugulle oo aanu is-naqaannay saaxiibbona ahayn,, haddana iima ay suuro-gelin in aan fursad u helo in aan galo ama daawado riwayadihiisa oo dhan. Waxaan si fiican u xusuustaa in aan daawaday Riwaayadaha hoos ku qoran aniga oo Dugsiga Sare ku jiray oo Muqdisho deggenaa. Waxaan weliba sii xusuustaa in aan ku daawaday ‘sinimoo’ la odhan jiray ‘Sinima Nasar’ oo Masaaridu lahayd oo Guriga Ummadda xagga Bari kaga beegnaa dalcaddii Weliyow-cadde, meel taallada Dhagax-tuur ka soo hor-jeedday. Riwaayadahaasi waxay ahaayeen:

  1. Ma-huraan,
  2. Kala-haab iyo kala-had,
  3. Ma hadhin,

Waxa intaa ii raaca in aan dhegaystay qaybo ka mid ah Riwaayadda Indho-sarcaad, gaar ahaan heesaheeda. Waxa kale oo aan si fiican u xusuusta in maalmihii aan ahaa Wasiirka Warfaafinta ay Xafiiska Wasaaradda iigu timid Canab Aadan oo Maxamed Axmed Riwaayadda ku lammaanayd ama la jilaysay, waxaanay i keentay riwayaddaas oo dhan oo cajalad ku duuban. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’.

ย (La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com