“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,
Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,
Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,
Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,
Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,
Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,
Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,
Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,
Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,
Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,
Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,
Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,
Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,
Hargeysa, 20/1/2016ka,
Hees-dhaqameedda Guur ba’ay
“Gaarida gaarida haween,
Geed baa loo fadhiisan jiray,
Inta loo gogol-dhigtaa,
Gabbaati la qaadi jiray,
Guurkii sida geed ma dhadhay,
Geyaankii miyuu goblamay!
Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa
Gabdhii waxay leeyihiin,
Giniyo lacag baan rabnaa,
Gacmaha kaan sudhi lahayn,
Luqunta kaan gashan lahayn,
Guntiino xariir ah iyo,
Garbo-saar aan la iibsan karin,
Kolkii ay guddoonsadeen,
Sidaasaa guurkii ku ba’ay,
Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa
Gabdhii waxayleeyihiin,
Raggii godadleey noqdeen,
Iyagaa goobta xun na dhigay,
Galabtii walba waa aroos,
Gelbisna uma baahanee,
Gebleey-shinbir bay tuntaan,
Guurkii sida geed ma dhadhay,
Geyaankii miyuu goblamay,
Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa
Raggii gocasheey qabaan,
Gabdhii way cabanayaan,
Iyamaa godobtaasi qaba,
Gefkaasi xagguu ka yimid,
Dadweynoow gartooda naqa,
Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa
Heesaha kale ee hadaaqa dadweynaha noqday waxa ka mid ah oo dal iyo dibadba maaxday heesta uu ugu hiilinayay qoraalkii farta Soomaaliga, heestaas oo aan filayo in ay ku jirtay Riwaayadihiisii mid ka mid ahayd. Waa heesta la yaabka leh ee “Af-qalaad aqoontu miyaa.” Waxa kala-roganaya oo cirkaa isla maraya Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) iyo Maxamed Axmed Kuluc. Haddii aynu yar sunnaynno, waa kii lahaa:
“Af-qalaad aqoontu miyaa,
Mayay mayee waa intuu qofba Eebbe geshaa,
Ayay nala tahay annagee,
Ma og tahay dib looma abuuro dadkee,”
Cali Sugulle kuma koobnayn oo keliya heesahaa waddaniga ah bal se mararka qaarkood ayuu kalgacalka iyo laxawgana baacin jiray. Tusaale waxaynu u soo qaadan karaynaa hees ay wada qaadeen Xasan Diiriye iyo Magool. Haddii aynu dhandhamiya is-nidhaahno midhahaa kalgacal, sow kii lahaa:
Gabadha:
“Baxsanow kalgacaylku waa,
Dab baxaaya oo belelee,
Adigaa i badee iga bi’i,”
Wiilka:
“Bilaneey kalgacaylku waa,
Bidhaan quruxsan ood u boogtee,
Adigaa i badee iga bi’i,”
Heesihiisii kale ee halkudhegga noqday ee had iyo jeer lagu halqabsadona waxa ka mid ah:
“Ma-hadhin hadal la is-yidhaahdaaye,
Hubsiimo hal baa la siistaa,”
Heesaha kale ee ma-hadhada reebay ilaa maantadaa aynu joognana la majeerto waxa ka mid ah laba heesood oo uu Jabuuti u tiriyay 19kii Maarj, 1967kii. Waa xilli dalkaa laga qaadayay afti ahayd in ay kala doortaan Haa iyo Maya oo u kala taagnaa: Haa gumeysigu ha na sii haysto iyo Maya oo ahayd gumeysigu ha naga guuro.
Cali Sugulle wuxu is-hordhigay laba munaasbadood. Wuxu yiqiinsaday in ay aftidaasi laba natiijo mid uun ku dhammaanayso: Haa ama Maya oo u kala-dhigmayay ‘Oui’ iyo ‘No’. Laba heesood ayuu u kala sameeyay labadaa munaasabadood. Wuu laximay, waa la tumay waana lagu qaaday ama lagu heesayba. Xiddigihiisii Kuluc iyo Magool ayuu u kala dhiibay.
Xilligu xilliyada kuma jirin oo waa berigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti oo ku beegnayd 19kii Maarj, 1967kii. Haddii dadweynuhu maya ku codeeyaan oo ay gumeysiga iska eryaan, wuxu ugu talo-galay heesta karkaarrada jabsatay ee:
“Waa baa beryay,
Bilicsan,
Arooryo baxsan,
Maalin bokhran,”
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)