Xiisad ka taagan Buuhoodle: Ciidanka Somaliland oo ku hareeraysan magaalada, Cali Khaliif iyo Xaglo-toosiye oo midiba dhinac ka joogo

 

Sida aanu wararka ku helayno xiisad kulul ayaa ka taagan deegaanka Buuhoodle iyadoo ciidanka Somaliland uu ku hareeraysan yahay magaalada wakhti ay magaalada labada dhinac kaga sugan yihiin Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Galaydh.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay u muuqato in waanwaani u socoto labada dhinac in kastoo aan la hubin in ay kulmeen Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Galaydh.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka cudurtaartay in magaciisa la xuso oo khadka telefoonka ugu warramay Bandhige ayaa sheegay in Garaad Abshir u yimid ciidankooda isla markaana ay 8 baabuur oo gaadiidkooda ka mid ahi ay u galbiyeen ilaa reerkiisa oo ku yaalla Widhwidh.

Sarkaalkani wuxu sidoo kale ku daray in ciidamada Somaliland ay 15 KM meel magaalada u jirta ku sugan yihiin iyaga oo ka warsugaya waanwaanta socota, halka gaadiidkii kooxda kale wadatayna la sheegay in magaalada geesta kale looga saaray masaafo intaas la mid ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbad-sannadeedkiisii dhawaa ku soo qaatay in maamulka Muqdisho uu isku dayayo in uu xasilooni darro ka abuuro Somaliland iyagoo sida uu hadalka u dhigay soo diray kooxo amniga khalkhal geliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo todobaadkii ina dhaafay markii ay Somaliland Bali-Cad qabsatay warbaahinta la hadlay ayaa isaguna ku celiyey hadal la mid ah kii madaxweynaha.

Halkan kala socda wixii hadba arrimahan ka soo kordha.

Bandhige@gmail.com