Dhaqaalaha Shiinaha oo halkii ugu hoosaysay maraya muddo 25 sanno ah

Salaasadii waxa la shaaciyey in dhaqaalaha Shiinuhu 2015-kii koray 6.9% taas oo ah korriinkii ugu hooseeyey muddo shan iyo labaatan sanno ah.

Xukuumadda Shiinaha ayaa isku dayaysa in ay ka gudubto dhaqaalahooda ku dhisan ganacsiga ay la leedahay dunida waxayna dhiirigelinaysaa dhaqaale korriinkiisu gaaban yahay oo la isku hallayn karo kaas oo ah macaamilka dalkooda gudihiisa iyo adeegyada dalka Shiinaha gudihiisa lagu bixiyo oo la kobciyo.

Dhaqaalahan labadii sanno ee ugu dambeeyey hoos u socda waxa laga werwersan yahay in uu shaqalo la’aan aad u badan abuuro taasina ay keento halis siyaasadeed iyo dadka aan shaqooyinka haysan oo kacdoono samayn kara.

Xukuumadda Shiinaha ayaa si ay xaaladda dhaqaalaha wax uga qabato waxay hoos u dhigtay dul-saarka daymaha oo ay ku koobtay 3% waxayna qaadday tallaabooyin karo oo lagu dhimayo shaqo-yaraanta.

Dhaqaaleyahan faallo ka bixiyey hoos-u-dhaca dhaqaalaha Shiinaha oo lagu magacaabo Tony Nash ayaa tibaaxay in korriinka dhaqaalaha Shiinuhu uu weli ka wanaagsan yahay waddamo badan sidaas daraadeedna aanay jirin sabab xukuumadda Shiinaha hurdo-la’aan ku ridi karta.

Tony Nash wuxu sheegay in hoos-u-dhac kasta oo ku yimaadda dhaqaalaha Shiinuhu uu saamayn xun ku yeelanayo dhaqaalaha guud ee dunida, sidaas daraadeedna war kasta oo xun oo ku saabsan dhaqaalaha Shiinuhu aanu cidna u wanaagsanayn.

Sannadkan hadda bilaabmay ayaa la filayaa in uu dhaqaaluhu hoos u sii socdo sida ay tibaaxday jaamacadda lagu magacaabo Jaamacadda Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Bijiin.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com