Wasaaradda Madaxtooyada oo xaflad soo-dhawayn ah u samaysay Agaasimaha cusub ee wasaaraddaas

Munaasibad lagu soo dhoweynayey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda Khadra Xaaji Gaydh ayaa waxay maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada.

Munaasibadan oo ay shaqaalaha madaxtooyadu ku soo dhaweynaayeen agaasimaha guud ee dhawaan xilka loo magacaabay Khadra Xaaji Gaydh ayaa masuuliyiinta ka soo qayb gasha waxaa ka mid ahaa wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiiru dawlaha madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, wasiir ku xigeenka war-faafinta Shukri Xariir Ismaaciil, agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee qaranka o Farxiya Jaahuur, madaxa xafiiska samo falka ee madaxtooyadda Aamina Maxamuud Diiriye, qaar ka mid ah badhasaabadda dalka iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay madaxa xafiiska samo falka ee madaxtooyadda  Aamina Maxamuud Diiriye oo ka warantay dadaalka iyo kartida agaasimaha cusub ee madaxtooyada, iyadoo xustay in ay rajo weyn ka qabto waxqabadka ay hore ugu suntanayd in uu ka muuqan doono madaxtooyadda agaasimaha looga dhigay.

Sidoo Kale Farxiya Jaahuur oo ah agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee qaranka ayaa sidoo kale bogaadin iyo amaan balaadhan u soo jeedisay agaasimaha madaxtooyadda ee cusub, iyadoo madaxweynaha Somaliland ku amaantay doorka miisanka leh ee uu ka qaatay kaalin gelinta haweenka ee xilalka qaranka. Waxaanu madaxweynaha ka codsatay in xilalka qaranka haweenka ay uga hadheen heer badhasaab oo kaliya.

Geesteeda waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay wasiir ku xigeena war-faafinta Shukri Xariir Ismaacil oo ka warantay muhiimada ay qaranka u leeyihiin haweenka oo xilal qabtaa, waxaanu sheegtay in aanay agaasimaha cusub uga baqo qabin ka soo bixitaanka shaqada madaxtooyada, iyadoo xustay inay hore u soo maamuli jirtay gole deegaanka oo miisaankiisa la wada ogyahay.

Agaasimaha guud ee munaasibada loo sameeyey Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) ayaa aad uga mahad naqday guud ahaan shaqaalaha madaxtooyadda soo dhawaynta iyo munaasibada ay u sameeyeen, waxaanay sheegtay in madaxtooyadda ay joogaan shaqaale ay ku faani karto, isla markaana ay rajo weyn ka qabto la shaqayntooda iyo ka soo bixitaanka shaqooyinka ay ka hayaan qasirga.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlday wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku dheeraaday hadalka, isla markaana sheegtay kartida iyo waxqabadka ay leedahay agaasimaha cusubi, waxaanu yidhi:

“Agaasimaha Khadra Xaaji Ismaaciil (Khadra Xaaji Gaydh) waa soo dhawaynaynaa Khadri shaqada qof ku cusub maaha dunida waxa ugu qiimaha badan ee la qiimeeyo ama la is-dul taagaa waxaa weeye khibrada iyo aqoonta waa labadaa shay, qofka marka shaqo loo dhiibayo ama shaqo loo qaadanayo aqoontiisa iyo khibradiisaa la qiimeeyaa lama eego waxyaalo farabadan oo ah qofnimadiisa kale ku xidhan oo ay ka mid tahay siduu u eegyahaya midabkiisa, dherarkiisa waxyaalahaa lama qiimeeyo, waxaa la qiimeeyaa qofka aqoontiisa iyo waayo aragnimadaiisa.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“waliba in ay naga taageeri doonto kuwo aanu haynana waayo waa qof siyaasiyad ah, waxaa jira qof maamulkuun ku eeg laakiin iyadu waa qof siyaasiya xaqiiqdii, afgobaadsi maaha waa iga run, halkan masuuliyiintii naga horeeyey khadra ka horeeyey ama aniga dhamaantood wixii wanaagsanaa ee ay qabteen waan ka mahad naqaynaa waxaa libteeda iyo amaanteeda ugu horaysana leh Madaxweynaha oo isagaa kooxda (Team-ka) ciyaarsiiya oo cugga, hasa yeeshee wixii ay iyaguna madaxweynaha ku kaalmeeyeen ama ha noqoto wasiirkii hore ama agaasimihii hore waan uga mahad naqaynaa wixii wanaagsanaa ee ay qabteen, Bini’aadam baynu nahay iyana waxbay qaloocin karaan oo laga odhan karo waa macsuun anaguna waxbaan qaloocin karnaa colkayaga ka danbeeyaa wixii qaloocday waxaa waajiba inaan toosino anagu wixii qabyoobay ee ay qaban waayeena waxaa waajiba inaan qabano wixii aan qaban karno waa saddexdaa, dawladuhuna waa sidaa si leeg dawladdii inaga horaysay ee xakuumadan kulmiye ka horeysay cidina malaha waxba ma qaban waa looga mahad naqayaa Madaxweyne Daahir Riyaale wixii wanaagsanaa ee maamulkiisii qabtay wixii qaloocday ee aan maanta toosinay wax badani ay ka mid yihiina waajib bay nagu ahayd inaan toosino wixii aanay qabana ee aanu qabanayna waajib na saaran bay ahayd  xukuumada ka danbaysa xukuumada Axmed Siilaanyana intaa in leeg baa iyadana laga doonayaa.”

Munaasibadan ayaa waxay noqonaysaa mid dhiiri-geelin ah oo loo qabtay Agaasimaha cusub, isla markaan uu ku baranaysey shaqaalaha wasaaraha.

????????????????????????????????????

DSC_0001

bandhige@gmail.com