Marka la rabo in la yareeyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha (Corruption) waxaa muhiim ah in daawladdu hore u qaado talaabooyin kan soo socda kahor intaan dad la xakumin ama lagu eedaayn inaay musuq-maasuq galeen:
- Waa in la xadidaa awoodda wax kala iibsiga suuqyada, oo aan qiimaha siduu doono iyo marba dhinac u kicin (market fluctuations), ama aanu korodh xoogan oo isbedel ku iman dhanka wax kala iibsiga iyo qiimaha alaabta loo baahan yahay, gaar ahaan asaasiga nolosheena (market Price).
- Waa in dhaqaalaha waddanka la xaddidaa sida suuqa lacagaha (financial market) iyo wax soo dejinta u dhiganta waxyaabaha waddanka ka baxa (imported un-necessary product) si’aan hoos u dhac ugu iman lacagta waddanka, ama mushaharka shaqaaluhu u noqon mid tayo ahaan hooseeyaa dhanka wax iibsiga iyo kala bedelashada.
- Waa in maciishada iyo alaabta daruuriga ahi, iibkeedu noqdaa mid ku haboon dhamaan baahida dadka, qofka ugu mushaharka yari inuu iibsan karo sidoo kale dabooli karo baahidiisa asaasiga ah.
- Waa in ganacsata loo sameeyaa siyaasad hagta oo xaddida in cidkasta ku iibiso shay qiimaha aay doonaan, loona eegaa kooxaha suuqa uu ka tirsan yahay sida suuqyada halwadaha ah (monopoly market), suuqa dhoowr iibiye (oligopoly market) iyo suuqa tartan ka siman (competitive market).
- Waa in baahida shaqaalaha ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada laga dhigaa bilaash, sidoo kale la tayeeyaa adeegaas oo aanay ka xooog badan kuwa gaarka loo leeyahay.
- Waa in daawladdu yeelata wax soo saar aay gaar u leedahay, si loo kobciyo wax soo saarka gudaha (GDP), laguna caawin karro shaqaalaha kuwa sii liita dhanka dhaqaalaha. Dhanka kale waa in lagu daraa miisaaniyada daawlada mashaariic horumarineed oo soo celin kara lacagta la geliyay.
- Waa inaay jirtaa hanaan daawladnimo (system) la wada arki karro loona siman yahay (transparent and accountable), kasoo aanu lahaayn shaqsi xil haya ee ah mid la kala dhaxli karro, qofkasta oo xil loo dhiibaa waa in hanaankaasii hagi karaa ee aanu la iman hanaan iyo hhab isaga u gaara.
Marka la helo intaas ayaa lala xisaabtami karaa masuulka ama shaqaalaha xafiis, haddiise aad intaas awoodi kari waaydo inaad maamusho ama la sameeyoo qodobada aan kor kusoo xusnay waxaa imanaya inaad gaajo ku laayso dad faro badan, kuwa soo waxaa siinaysa loogu yeedho mushaharka aanu suuqa waxba uga soo gooyn Karin, waana masuuliyad daawladnimada saaran.
Qodobada aan kor kusoo xusnay ayaa lagu tilmaami karaa inaay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee lagu yareeyn karo xatooyada xoolaha dadwaaynah, micnaheedu waxa weeyaan daawlada aan qorshahaasi la imani ma horumarin karto la dagaalnaka iyo xakamaaynta dal-dalashada xoolaha dadwaaynaha. Muwaadinku xaq ayuu u leeyahay inuu helo nolol uu ku bad-baadi karo, waxaana xaq loogu leeyahay inuu ilaasho xoolaha iyo hanitda dadwaaynaha.
Waxa Qoray: Xasan Cabdi Shire