Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin (WQ: Maxamed Cismaan)

 

Waxaynu aragnaa oo aynu tv-yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaar tahay in ay ku codayso musharax.

Balse raga hadaladaa kasoo yeedhaya waxay indhaha ka qarinayaan xaqiiqda jirta inay sidaa ku dawan tahay jiraana aqoon yahan fahansan mas’uulka ku haboon in ay talada dalka u dhiibaan una codeeyaan.

Dadka codeeya waa dhallinyaro, dhallinyaradana maanta ninka la saxiiba ee soo dhawaysta ayaa ka helaya codka, waxuuna noqonayaa musharaxa ku guulaysan doona talada dalka.

Hadaynu tusaale soo qaadano xisbiga Kulmiye markii ururada la furayay waxuu ahaa xisbi ay dhallinyarada ka dhex muuqato halka ururkii Sahan uu isagana ahaa mid ay dadka waawayn ku bahoobeen balse waxa awood batay xisbigii dhallinyarada ay daa dihiinayeen ee ahaa Kulmiye.

Waxaa intaa dheer maanta cida codaynaysa ee isbadalka u baahan waa dhallinyarada jamhuuriyada Somaliland waxayna u baahan yihiin kuwii dadka hore u boobay iyo kuwa maanta boobaya in ay dalka taladiisa kala wareegaan.

Waxa intaa dheer kuwa card-ka qaadanayaa waa dhalinyaro, dhalinyaradaas waxay arkaan ragii waa waynaa oo leh musharaxan ayaan idin wadaa markuu talada ku guulaystana anagaa idin daba galayno oo idinkaga soo qaadayno waxa aad xaqa u leedihin, ee doorkan arinka sidaa way ka duwan tahay, oo waxaa la raacayaa ninka faceka hore soo dhigta dhalinyarada, dadka waa wayna nasiya.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan musharaxa aan soo jeedinayo dareenkisa waxaan leeyahay xaqiiqda haka tagin, kuwan ku hareera socda lama ogola oo way calaamad sanyihin mas;uuliyintan magacoodu loo soo shirkoodu  waa inta ay xilka hayaan

WQ: Maxamed Cismaan