Da’daadu yaanay kugu noqon caqabad (WQ: Ina Siciid)

 

Dad badan ayaa marka ay da’doodu korodho nafsiyan aamina in aanay dhaqdhaqaaq samayn karayn. Iyagoo wax walba qabsan kara ayay haddana iska fadhiistaan oo jeclaystaan in loo adeego. Taasina waxay saamayn taban ku yeelataa caafimaadkooda.

Waxa aad halkan hoose ka daawan kartaan laba haween ah oo  da’dooda aanu ku qiyaasnay inta u dhaxaysa 90 ilaa 100 jir. Waxay si heer sare ah ugu ciyaarayaan heesta ay dhallinyarada danbe u yaqaanan Watch Me Nae Nae ee uu qaado Silentó oo ah wiil yar oo Maraykan ah.

Sida ay jidhkooda u dhaqdhaqaajinayaan iyo sida ay u dhaansayaan marka aad eegto waxa kuu muuqanaysa in aanay da’dooda u arag caqabad haysata.

Ma jeclaan lahayd in ay ayeeyooyinkaa sidan oo kale ahaan lahaayeen?

Nala daawo!

https://www.facebook.com/BryanGRATATASilva/videos/255297191530437/?hc_ref=ARRy3g_dnhmJgKsjLPdLQ26pbd0sjudPAYPgLssoSNItRJ1V6d3S6nNXW9iTmuV5nYw