Waxa ay shacabku goobaha bar kulanada ku kulma ay doodaan in xukuumadihii kala danbeeyay ay ka gaabiyeen inay faragelin ku lahaadaan arrimaha siyaasada dalkii aynu kala tagnay ee Soomaaliya, isla markaana aynu ku yeelan saaxiibo aynu dano is dhaafsan karo
Sidaa si la mid ah ayay shacabku u xusaan in hogaamiye Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal uu ahaa siyaasigii ugu firfircoonaa ee ku dhex jiray siyaasiyiinta Soomaaliya ee ku lahaa saaxiibo ugu yaraan uga diga shirqoolada la soo socda Soomaaliya.
Dadka faaqida arrimaha siyaasada waxa intooda badani ay aaminsan yihiin in hawgaladii Marxuum Cigaal ee arrimaha siyaasada Somaliya ay mar walba carqalad kala kulmi jireen isla qaybo ka mid ah ummadda reer Somaliland, kuwaasi oo u yaqaan Somaliland wax yar oo la li’qi karo ama sida beedka jaba.
Dhinaca kale waxa jira isla maanta in hadday Somaliland farageliso arrimaha Soomaaliya in ay wax inagaga xumaanayaan.
Waxa dadka qaar ay maanta ka saseen wefdi laga yaabo inaan aniguna ka mid noqdo ay u dhoofaan dalka aynu jaarka nahay gaar ahaan maamulgobolledka Jubaland oo ay xurguf ba’an oo siyaasadeedi u dhacayso dawlada Farmaajo.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxa lama huraan ah in Somaliland aanay marnaba ka maqnaan karin goobaha ay ka socoto cayaaraha siyaasada ee dalka Soomaaliya, si aan loo lumin fursadaha siyaasadeed ee halkaa yaala, iyadoo cayaarahaa looga qayb qaadanaayo si degan oo ka fiirsi leh.