Inta badan waa dabeecad aynu leenahay haddii aynu nahay Aadanaha, waxaa dhici karta in aad markasta caydo oo aanad jeclayn shay ama naflay laga yaabo in ay kaaga waxtar badan yahay kan aad amaanayso.
Dadku waxa ay amaanaan markasta bahalka loo yaqaano libaaxa oo ah axmaq dilaa ah, waxaanay caayaan Eyga, taasi waxa ay ku tusinaysaa in ay tahay fikir qalad badani uu ka muuqdo, Eyga iyo Libaaxa kee ayaa dadka u wax tar badan?
Waxa laga yaaba in Eygu yahay xayawaanka Illaahay abuuray kan ugu tarbiyada fiican uguna waxtarka roon, Eygu waxa uu inoo qabta waxyaabo badan oo aynaan inagu qabsan karayn awoodna aynaan u lahayn.
Dunida maanta Eygu waxa uu ka marayaa, meel aad u qaali ah, marka laga tago qaabka aan wanaagsanayd ee ay dadka qaar ka midii ay ula dhaqmaan, balse haddana waxa markasta fiican wax-tarkiisa iyo faa’iidadiisa.
Eygu waxa uu ka mid yahay xawaanka kaliya ee xataa dunida la siiyo waxa darajada la yidhaado sida kabtan iwm, taasna inta badan waxa uu ku mutaystaan hawsha loo tababaro oo uu si fiican uga soo baxo.
Eygu waxa uu baadhis iyo dabagal ku sameeyaa meelo aynaan inagu awood u lahayn in aynu baadhno ama aynu ka warkeeno, Eygu waa xayawaan aqbali kara in uu gurigaaga iyo xoolahaaga kuu ilaaliyo.
Libaaxu waa dilaaga adduunka, markasta oo la rabo in laga sheekeeyo dil iyo cadawnimo waxa tusaale loo soo qaataa Libaaxa, taasi waxa ay ku tusinaysaa in uu Libaaxu oo agteena ka yahay waxa aad u fiican, balse xaqiiqda marka la eego ma jirto hal shaqo oo uu libaaxu inoo qabto.
Libaaxu waa xayaanka aadka ugu daran dilka shay kasta oo uu doono, waana xayawaan aan lahayn wax rabaayad ah, walaw in badan la isku dayay haddana waa ay adkaatay Libaaxa iyo qayrkiiba in la rabeeyo.
Wabilaahi tawfiiq.
WQ/Khadar Ibrahim Aar