Dagaalka ethiopia yaanu noqon mid godob uga taga qoomiyadda soomaalida …! (WQ: Maxamed Cabdi Jaamac “Dhimbiil’)

Soomaalidu waa qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha Africa , gaar ahaan Bariga Africa qoomiyadaha ku nool , waxa ay degaan ku yihiin oo ay ku abtirsadaan 5 shan dal oo ku yaalla Bariga Africa oo kala ah Jamhuuriyada Somaliland , Jamhuuriyada Federalka Somalia , Jamhuuriyada Djibouti , Jamhuuriyada federalka Ethiopia iyo Jamhuriyada Kenya.

Gobolkani ay soomaalidu ku nooshahay waxa ku nool qoomiyado kala duwan oo badan oo ay dadka soomaalida ah isir ahaan isugu dhow yihiin deegaan ahaana ay is yihiinba kuwaasi oo somalida u haya xushmad badan , taariikh wanaagsan iyo gobanimo u dirir taariikhda ku xardhan.

Wallow saameynta dadka soomaaliyeed ee siyaasada gobolku aanay aad u muuqan gaar ahaan wadamada Ethiopia iyo Kenya oo labadaba la yaraystay marka loo eego qoomiyadaha kale ee ay dalalkaasi la leeyihiin haddana shaki kuma jiro in dadka soomaalidu yihiin dad fir-fircoon , maskax furan oo saameyn badan ku leh siyaasada Africa iyo aduunkaba.

Waxa la galay xili siyaasadii gobolkani ay u eeg tahay in ay u xuub siibatay tartano iyo siyaasado ku fadhiya qoomiyado , waxa aan u arkaa in ay tahay wax aan loo baahnayn arintani sababta oo ah dagaalada gobolka ka socda iyo taariikhda qormaysaa waxa haboon in ay dalwalba gudihiisa ku ekaato.

Waxa ayaan daro ah iyo wax lala yaabo ah in ciidamada Somalia ay ka qayb galaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray oo la xaqiijiyey in askar soomaaliyeed oo ay leeyihiin jamhuuriyada federalka Somalia ay ka qayb galeen dagaalkaasi , arinkaasi oo ka dambeeyey is xulafaysigii sadex geesoodka ahaa ee Ethiopia , Somalia iyo Erateria.

Sidoo kale waxa jirta in dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia ay ciidamo u dirtay deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ee ay isku hayaan qoomiyadaha amharada iyo Tigray ee Ethiopia iyaga oo u arka in dagaalkaasi yahay dagaal dawlada Ethiopia iyo Tigray oo ay TPLF hogaaminayso in uu yahay.

labada hogaamiye ee midna madaxweynaha ka yahay dawlada federalka Somalia midna dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia waxa ay iska dhigaan madaxweynayaal hami iyo aragti fog oo soomaalinimo ku socda , haddaba iyagu oo isku dhigayaa meeqaamkaasi ay sheegteen waxii ay godob kursiga ku galaan waxa uu noqon doonaa mid iyaga kaligood u yaalla , ama inta ay horjoogaan hadda ee aan u oolin umada soomaaliyeed ee weyn.

Aduunyadu way soconaysaa taariikho ayaana qormaya , khalad iyo gef badheedh ah ayey ahayd in waxii intii dawladii EPRDF ee ay TPLF hogaaminayeen qaladaad iyo dhibaatooyin dhacay loo aaneeyo Tigray oo gaadhay in qoomiyada tigray oo dhan dagaal lagu qaado sababta oo ah isirkooda , waana taariikh xumo aragti ku suntami doonta cidii falkaasi gashay.

Sidaasi oo kale si aanay u dhicin taariikh xumadaasi ayaa waxa aan aaminsanahay in aan umadda soomaaliyeed oo dhan aanay u noqon godob waxa dadka soomaalida qaybo ka mid ahi geystaan iyaga oo ku socda danaha dalalkooda iyo danaha xulafadooda .

Xiligani mabay ahayn xiligii dagaal gobolkani u baahnaa iyo in uu kala noqdo qoomiyado ee waxa ay ahayd goortii lagu fekeri lahaa dadka gobolkani ee ay daashadeen dhibaatooyinka kala duwan ee dagaalada , gaajada , faqriga , tahriibka , iyo dib u dhaca nololeed eek u habsaday nusqarnigii ka dambeeyey intii Africa ku xuubsiibatay gumeysiga gobolkani ku sugnaa.

Waxa ay ahayd xili mudnaa in loo guuro aragti mideysa umadaha iyo qoomiyadaha gobolkani iyo dalalkoogaba oo u jiheysa xaga horumarka , wax wada qabsiga , iskaashiga lagaga gudbi lahaa dhibaatooyinkii hore u soo jiray ee ragaadka ka dhigay guud ahaan gobolkani .

” Markaa sida aanan u jeclayn in dadka soomaaliyeed isirkooda , diintooda , dalalkooda , aragtidooda siyaasadeed , iyo xuquuqahooga loogu duudsiyin dadka ay yihiin ayaanan u jeclayn in dad kale oo gobolkani ama gobolada kale ee aduunka ah aan loogu layn haybtooda ama waxa ay aaminsan yihiin ”

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

hormood@hotmail.com