Bulshada marka indheer-garadkeeda iyo haldoorkeedu dhamaado waa maalinta ay halis ugu jirto in gees walba laga soo galo, laguna tijaabiyo fikir wal oo cidi qabto, waxaanay noqotaa hilib bisil oo waraabayaal halqafayaan.
Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay maxaa wakhti xaaligan ku soo beegay in ay Jabuuti keento dalabka ah in ganacsade reer somaliland ah loo gacan geliyo;
1. Marka ay jabuuti aragto dibloomaasiyada jamhuuriyaddan oo kor u soo kacaysa waxay isku dayaan sidii hoos loogu dhigi lahaa iyagoo tashuush meel uun lagaga furayo, tanina waa mid ka mid ah dibindaabyooyinka ay haatan maleegayaan.
2. Ka faaiidaysiga qaybsanaanta bulshada reer Somaliland taasoo dhalisay in si fudud bulshada loo dhex geli karo iyagana usha laysugu dhiibo.Waxaa arrintan ka faaiidaysanaya nin waloo dan leh.
3. Madaxda hadda talisa oo uu u arko inaanay siyaasad ahaan la chessta la ciyaari karayn, uu dhego nugul si fududna dalabkiisa u fulinaya.
4. Wuxuu geelle isku dayayaa inuu indhaha caalamka ka jeediyo dhibaatooyinka dalkiisa haysta iyo dadkiisaba oo ay daashadeen nolol xumo iyo car juuq dheh muddo badan, taasoo uu dadkiisa iyo mucaaradkiisa u sawirayo inuu cadawyo kale leeyahay
5. DP World iyo Jabuuti oo hore u coloobay inay u socon wayday aragtidiisii in la eryo ahayd, taasina siyaasad ahaan adhaxda ka jebisay dibloomaasiyadii dibedda ee geelaha jabuuti ka dib markii imaaraadku albaabo badan ka soo xidhay. Wuxuu is tusay in hadii dalabkani u fulo ay fududaan doonto inuu DP World ka saari karo dalka isagoo madaxda soo dhex maraya.
Haddaba arrintani waxay hal-xidhaale ku tahay madaxda maanta ka talisa Somaliland siday uga fal-celliyaan oo hadaanay sutida u qaban keeni karta cawaaqib xumo. Ganacsade Ahmed Geelena bulshadiisaa difaacaysa oo cid kale uma baahna.
Nasriga Alle waxa iska leh kuwa adeeca.