Dagaalka Sucuudiga iyo Ruushka (WT: Maxamed-shaakir Siciid)

Sucuudiga iyo Ruushka ayaa dagaal ku dhawaaqay, warkani ma aha mid buunbuunin ah.  Dunida saliida, qaabkan ayuu u egyahay dagaalku, haddaba si aad u fahanto xiisada soo korodhay, waa inaynu garano saddex walxood.

  1. Sidee ayuu Sucuudigu ku noqday dalka ugu saamaynta badan dunida saliida caydhiin?
  2. Sidee ayay u shaqaysaa saliida caydhiin?
  3. Maxay tahay sababta ka danbaysa iska-hor imaadkan?

Badankeenu waxaynu si khaldan u aaminsanahay in Sucuudigu leeyahay kaydka saliideed ee ugu wayn dunida. Haa, dalka Sucuudigu wuxuu leeyahay saliid badan, balse taasi ma aha isha awooda Sucuudiga. Dalalka Fanisweela, Ruushka iyo Ciraaq (marka la eego xogaha qaar) ayaa ka saliid badan Sucuudiga. Haddaba isha saamayneed ee awooda Sucuudigu waxay salka ku haysaa xaddiga soo saariseed. Ceelasha saliidu ma soo saaraan saliid caydhiin mar walba. Ceelkasta wuxu leeyahay xaddi go’an oo maalintii uu soo saaro (per day pumping capacity), intaa wax dhaafsiisan lagama soo saari karo, haddii kale ceelku uu engagayaa, haddana waxay qaadanaysaa maalin ama in ka badan si uu dib ugu soo burqado markale. Dalalka dunida oo dhami waxay soo saaraan maalin kasta hadba xaddi cayiman. Si kasta ha noqotee, Sucuudigu waa dalka keli ah dunida oo dhan, ee ceelashiisu ay ka xaddi badanyihiin kootada (quota) wax-soo saar ee loo qoondeeyay ee maalin laha ah. Si kale haddii aynu u dhigno kootada sucuudigu waa 9.7 milyan oo foosto maalintii, halka uu ka yahay xaddigiisa wax soo saar ilaa 12 milyan oo foosto maalintii. Xaddigan dheeraadka ayaa ah ayaa ah midka siinaya awood dheeraada. Sucuudigu way awoodi karaan markasta inay saliid badan ku soo daayaan suuqyada caalamka. Taasi oo hoos u dhigta qiimaha saliida suuqyada caalamiga ah. Tani waa sababta ugu wayn ee dalka Maraykanku Sucuudiga uga dhigto saaxiib ku dhaw. Marar badan taageerista Maraykanka darteed ayuu Sucuudigu suuqyada ugu soo daayay saliid badan oo dheeraad ah, kadibna ay keentay inuu hoos u dhac ku yimaado qiimaha saliida, in ka hoosaysa qiimihii caadiga ah, heer u qalma dhagaalaha reer Galbeedka.

Haddaba waa ayo cidda go’aamisa kootada wax-soo saar ee saliida? Halkan waxa soo galaya kaalinta ay leedahay ururka awooda badan ee ay ku bahoobeen dalalka saliida soo saaraa ee magacooda loo soo gaabiyo (OPEC). Waa urur ay ku bahoobeen 15 dal, kuwaasi oo soo saara 50%  saliida dunida, iyaga oo leh 85% kaydka saliida dunida. OPEC waa is bahaysi maamula soosaarista/ qaybinta saliida iyo goynta qiimaha saliida, heer dhexe oo aanay cidina dhaafi Karin. Si taasi u suuragasho, OPEC waxay dejisay kooto dalkasta oo xubin ka ah, xaddi aanu dhaafin Karin wax-soo saarkiisa dhanka saliida. Ilayn haddii aanay sidaasi yeelin saliid badan oo suuqa soo gasha, waxay horseedaysaa inay hoos u dhacdo sicirkii caadiga ah ee saliidu. Sucuudigu waa hogaamiyaha dhabta ah ee OPEC. Qaar badan oo ka tirsan dalalka waawayn ee saliida soo saara sida Ruushku kama mid aha xubnaha ururka OPEC, balse haddana waxa ka dhaxaysa wada shaqayn arrimaha kootada iyo sicirka.

Khilaafka hadda jira wuxuu ku bilaabmay markii  suuqyadii dunidu baahidii ay saliida u qabeen hoos u dhacday, kadib markii safmarka karoona dilaacay. Dalabkan yaraaday ayaa hoos u riixaysa qiimaha sicirka saliida. Sucuudigu wuxuu ku adkaystay in la yareeyo xaddiga wax-soo saar ee saliida. Arrintaas oo Ruushku ku gacansaydhay, sababta oo ah sidii cunaqabataynta loo saaray, Ruushka dhaqaalihiisu wuxuu si wayn ugu tiirsanaa iibgaynta saliida iyo gaasta. Tan oo ka cadhaysiisay Sucuudiga kadibna ay ku harqiyeen saliid caydhiin oo xad dhaaf ah suuqa, kadibna sidaas ayuu dhulka ku galay qiimihii saliidu.

Saliida caydhiin waxay hoos ugu dhacday in ka badan 30% boqolkiiba soddon, waa hoos u dhicii ugu wayn tan iyo intii ka danbaysay dagaalkii Gacanka carbeed 1991. Qiimaha saliidu marka horeba wuxuu ku jiray cadaadiska wayn ee ka dhashay dilaaca cudurka Karoonaha  (Covid19), inta kalena Sucuudiga ayaa ku biiriyay. Suuqa kala iibsiga saamiyada (stock market) ayaa laftiisu hoos u socda maalmahan, Maraykanka waxay hoos ugu sii socdaan boqolkiiba todoba 7%, Yurubiyaanka dhirbaaxa ku dhacday iyaga oo boqolkiiba 8%, halka suuqa Landhan uu hoos ugu sooo degay 7.7%. Suuqyada Eeshiya iyaga xaalku waa ku xunyahay. Waxa laga yaabaa in ay xaaladu ka sii darto haddii aanay Sucuudiga iyo Ruushku bilaabin wada xaajood macno leh.

Sucuudigu aad bay uga xumaadeen diidmada ka timid dhanka Ruushka, iyaga oo tan iyo intii ka danbaysay sannadkii 2016, kala shaqayn jiray oo ka taageeri jiray qiimaha saliida. Riyaad waxay filanaysay inay Moosko gudi doonto abaalkii, iyaga oo hoos u dhigaya wax soo saarkii saliida. Ruushka ayaa se la soo baxay talaabo aan la filayn, sidii u caadada ahayd. Balse Carabtuna kama waali yara, haddaba haddii aanaynu rajada xumaynayn, waqtigan kakan, laba dhinac oo adag ayay ciyaartu dhextaalaa oo ay kala matalayaan Buutin iyo Ina Salmaan. Hirgoo !

 

W/T: Maxamed-shaakir Siciid

W/Q: Shuja Ali Khan

Islamabad, Pakistan